CM Punk oo la weydiiyay hadii uu si rasmi ah riingaha dib ugu soo laabtay iyo hadii kale iyo jawaabta uu bixiyay xidigaan.

0
441

Xidiga caanka ah sidoo kalana ah feeryahan hore oo WWE ah balse mudo sanado ka maqnaa ayaa barayahaan si joogto ah uga soo muuqanaayay barnaamijka WWE Backstage asigoona meesha su’aalo lagu weydiinaayay.

CM Punk ayaa habeen hore la weydiiyay hadii uu riingaha dib ugu soo laabanaayo iyo hadii kale wuxuuna sheegay feeryahankaan in arintaasi tahay mid cakiran oo uusan jawaab waadix ah ka bixin Karin.

CM Punk ayaa sheegay ilaa iyo hada inuusan la kulmin masuul katirsan WWE oo uusan wax heshiis ah dhicin wuxuuna sidoo kale sheegay in uusan dooneynin in jamaahiirta magaciisa ku dhawaaqdo markasta uu niyada ka jabiyo balse wuxuu sheegay ineysan jirin wax cad oo haatan muuqdo.

CM Punk ayaa kamid ah feeryahanada ugu caansan WWE  misna loogu jecelyahay waana xidig ay markasta jamaahiirta magaciisa ku heesaan ayadoo waagii uu WWE qeybta ka ahaa ay aheyd mid aad u xamaasad badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here