Waxaan wada ognahay in atirishada Deepika Padukone marnaba hilmaami doonin aflaanta Hit-ka weyn u noqdeen Cocktail (2012) iyo Yeh Jawaani Hai Deewani (2013) labadan filim guusha ay gaareen kaliya Deepika kama dhaxlin ee atirisho ahaan awood balaaran ayay ku yeelatay kaalinta hogaamin ay ka qaaatay ilaa maantadana labadeeda door labadan filim siweyn ayaa loo jecel yahay.

Haatan Deepika Padukone taageerayaasheeda aqbaar xiiso badan ayay la wadaagtay kadib markii ay shaaca ka qaaday filimkeeda xiga inay ku matali doonto doorar la mid ah kuwii Cocktail iyo Yeh Jawaani Hai waxayna ula jeedaa in filimkeeda jaceyl, shactiro iyo is fahanka lamanayaasha inuu ka hadli doono.

Deepika filimkeeda xiga ee aan magaca loo bixin waxaa la jilayaan Siddhant Chaturvedi iyo Ananya Pandey waxaana la sheegay in Deepika iyo Ananya labadooduba jaceyl u qaadi doonaan Siddhant waxaana mashruucan Director ka ah Shakun Batra oo horey u sameeyay filimada Ek Main Aur Ekk Tu (2012) iyo Kapoor & Sons (2016).

Sidoo kale Deepika waxay shabakada Mumbai Mirror u sheegtay in filimkan xiisaha badan bisha Maarso duubis lagu bilaabi doono qorshahana uu yahay in la daawado qaybaha dambe ee sanadkan waxaana mashruucan soo saare ka ah Karan Johar.

Deepika Padukone filimkeedii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Chhapaak oo siweyn loogu amaanay doorkeedii dhibka badnaa ee ku mataleesay gabadha wajiga aashitada looga shubaayo waxaa haatan u diyaarsan filimka 83 oo la daawan doono 10 April 2020 lana jileyso seygeeda Ranveer Singh waxayna ka dhigan tahay in sanadkan 2020 xidigtaan ugu yaraan sedex filim masraxa loo saari doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here