Kadib markii lagu dhawaaqay in gabi ahaanba meel la iska dhigay Filimka Inshallah oo mideeyn lahaa markii ugu horeysay Salman Khan iyo Alia Bhatt waxaa dhacday in Director Sanjay Leela Bhansali uu ku dhawaaqo mashruuc kale oo cusub.

Filimkaan waxuu ugu magac daray Gangubai Kathiawadi waana Filim ka hadlaayo qiso taariikhi ah oo uu qoray joornaalistaha caanka ah Hussain Zaidi sheekadiisana waxay ku xeen daaban tahay 60-maadkii haweeney boqorad ah oo ka tallin jirtay magaalada Mumbai qeyb kamid ah balse dilka, dhaca iyo fal walbo oo xun ku dhaqaaqi jirtay awood weyna laheed.

Hadaba doorkaas adag waxuu Sanjay Leela Bhansali ku aaminay Alia Bhatt isagoo ku kalsoon inee kasoo bixi karto doorka Mafia-yada waana doorka Filimka ugu weyn balse ilaa hada waxuu ka fikirayaa atoorihii iyada la shaqeyn lahaa shaashadana jaceyl kula jili lahaa.

Sababto ah sheekada waxaa kujiro nin doorkiisa yahay mid qalbi dahabi ah leh marka hore boqoradaan ayuu baraa wax walbo iyo farsamooyin badan marka dambena isagii ayaaba gabadha jeclaanaayo waxaana looga shakiyay 26 jirtaani Alia Bhatt in afar atoore midkood Filimkaan la jili doono doorkaasna qaadan doono.

Afartaas waxay kala yihiin Ajay Devgn, Ranbir Kapoor, Ranveer Singh iyo Shahid Kapoor waxaana la sheegay in Bhansali afartooda midkood ku dhawaaqi doono inuu Filimkaan atoore ka noqdo hadaba akhriste adi ahaan yaad is leedahay atoorahaas ayaa doorkaas ku wacan Alia Bhatt-na shaashada jaceyl kula sameeyn kara fikirkaada nala wadaag.

Waa kuwan afarta atoore sawiradooda u codeey mid kamid ah…..

Ajay Devgn

Ranbir Kapoor

Rs 450 crore! That's the insane amount riding on birthday boy Ranbir Kapoor's upcoming films

Ranveer Singh

ranveer singh, 83

Shahid Kapoor

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here