Inaba caadi ma ahan heeska magaca filimka Malang xambaarsan waxay qabsatay Hindiya iyo barta Youtube-ka madaama shirkada T-Series ay hawada kusoo fasaxday waxaana siweyn looga helay qaabka uu heeskan ugu luqeeyay fanaanka Ved Sharma oo sidoo kale muusiga sameeyay heeskan.

Intaas saameynta kuma eko waxaa siweyn loo hadal hayaa qaab jiliinka iyo is fahanka ay heeskan kusoo bandhigeen labada aan kala liidanin Aditya Roy Kapur iyo Disha Patani mana loo maleeyo inay tahay markii ugu horeesay oo labadan isla shaqeeyaan sidaa darteed heeska Malang 24-saac gudaheeda 10-milyan oo qofood ku dhawaad ayaa daawadeen.

Filimka Malang waxaa la daawan doonaa 7 Feb 2020 sidoo kalena waxaa doorar adag ku leh Anil Kapoor oo askari ku matalaayo iyo Kunal Khemu oo loo badinaayo inuu laadarka filimkan xiisaha badan ka yahay waxaana mashruucan agaasimay ama Director ka ah Mohit Suri.

Fadlan hoos ka daawo heeska Malang ee hadal heynta xoogan abuureyso waa hubaal inaad ka heli doontid codka Ved Sharma iyo qaab jiliinta Aditya iyo Disha oo heer sare ah:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here