Mr. Perfectionist Aamir Khan iyo xaaskiisii Reena Dutta sheekadooda jeceyl waa mid qiiro badan sidoo kalena aad u xiiso badan waxaana laga soo bandhigay wax badan oo aan laga ogeyn laguna soo qoray buuqa ‘Khantastic – The Untold Story Of Bollywood’s Trio’ ee qortay gabadha lagu magacaabo Sanjukta Nandy oo arimaha Sedexda Khans kaga hadasho.

Sidee Isku Barteen Aamir & Reena: Aamir wuxuu jiray 20-sano markii uu aragtida kowaad ku jeclaaday Reena oo daganeed gurii kasoo horjeedo marwalbo daaqada ayuu ka eegi jiray iyadana wey eegi jirtay markii dambe ayu jaceylkiisa u sheegtay balse wey ka diiday codsigiisa wuuna niyad jabay madaama horey gabdho badan xiriir jaceyl kaga diideen, wuxuuna Reena ka codsaday inaysan deg degin labo maalmood kadibna go’aan rasmi ah siiso dibna usoo fikirto. Laakiin labo maalmood kadib Reena isla jawaabtii ayay Aamir kusoo celisay inaysan xiriirkiisa aqbali karin isagana wuxuu go’aan ku gaaray mardambe inuusan daaqada soo taagin oo Reena baaqi goobin.

Balse si lama filaan ah labo bilood kadib Reena ayaa Aamir u timid waxayna u sheegtay inay ka heshay xiriirkiisana ay dooneyso, Aamir wuu farxay wuuna ka aqbalay codsigeeda halkaasna xiriir wacan ayaa ugua bilaawday lamaanahan.

Dhibaatada Xiriirkii Aamir & Reena qabsaday: Aamir xiligaas waxba ma heesanin waxbarashadii wuu ka haray shaqana ma heli karin, halka Reena ardayad ahayd oo Mumbai wax ka baraneesay. Reena waalidkeeda ayaa xiriirkeeda jaceyl ogaadeen weyna ka diideen inay aqbalaan xiriirkeeda waxayna u sheegeen in nin Muslim ah marnaba noloshooda kusoo biiri karin madaama Hindu yihiin qoys ahaana dabaqad sareeyeen. Sidoo kale Aamir dhankiisa iyagana waalidiintiisa ma aqbali karin gabbar Hinduu ah iyo isagoo shaqo la’aan ah inuu nolol sameesto. Balse laamahan ma niyad jebin dhibaato walbo oo heesatay waxay go’aan ku gaareen inay is guursadaan!

Goormee Guurkoodii Dhacay Aamir & Reena: Aamir wuu 21-sano jirsaday 14-kii Maarso 1986 wuxuuna isla maalinkaas guursaday Reena weliba si qarsoodi ah ayagoo guurkooda maxkamada ka diiwaan galiyeen. Weliba maalintaas cidna kama shakinin labadooda madaama Hindiya oo idil lagu mashquulsanaa daawashada cayaartii Cricket-ka weyneed ee Hindiya iyo Pakistan u dhaxeesay. Wuxuu Aamir sheegay maalintii uu Reena guursanaayay kaliya inuu heestay 10 Rupees oo maantadan u dhiganto $0.13 ama sedex toban sinti Doolar ah kaliya lacagtaas waxay ahayd mid lagu qabsan karay halmar bas lagu raaco. Aamir iyo Reena uu faraxsan waxay tageen guriga filim sameeye Satyajit Bhatkal oo ay Aamir saaxiibo dhow ahaayeen kadib meesha ayaa habeenkaas xaflad loogu dhigay markii xaflada dhamaateyna Aamir iyo Reena qof walbo gurigiisa ayuu ku laabtay noloshoodii ayayna iska wateen ayagoon la ogeen inay is qabaan.

Aamir markii uu Reena kusoo daray filimkii Qayamat Se Qayamat Tak ayadoo la ogeyn inay xaaskiisa tahay: Aamir ayaa walaalkiis la ilmo adeer ah Mansoor Khan oo filimka QSQT Director ka ahaa ka dhaadhacsiiyay Reena oo goobta filimkan soo booqatay muuqaal ku yeelato markii la duubayay heeskii hirgalay “Papa Kehte Hai ” weliba Mansoor ma ogeyn in Reena xaaska Aamir tahay wuuna ka aqbalay inkastoo Reena markii hor xishootay haddana wey aqbashay inay heeskan kasoo muuqato, waana gabbadha dharka gaduudan wadato ee Aamir heeska mar kala soo muuqaneyso.

Goormee La Ogaaday Guurkii U Qarsanaa Aamir & Reena: Inta shaqada QSQT socotay Aamir iyo Reena xiriirkooda wuu wacnaa balse markii Aamir Khan iyo kooxda filimkan magaalada Ooty shaqo duubis u aadeen ayaa wax walbo la ogaaday waayo Aamir wuxuu la balamay Reena inay soo wacdo habeenkii balse wey soo wici weesay ayadoo jidka ama wadada ku xanibtay xili ay Mumbai joogtay waxaana dhacday in Aamir kooxda filimkan dhaheen shaqada ayaan wadaneynaa ee Hotel-ka kasoo bax isagana wuu diiday ileen taleefoon ayuu Reena ka sugaayay, waxaa ku xanaaqeen kooxda filimka Aamir madaama uu waqti ka lumiyay qarashna ku socdo. Ugu dambeyntii Aamir ayaa is celin waayay afka ayuu furtay asigoo ilmeenayo wuxuuna walaashiis Nuzhat oo la socotay u sheegay in Reena xaaskiisa tahay nolol geerina uusan ku ogeyn waqtigii ay balameena la dhaafay soona wici weesan tahay. Kadib walaashiis ayaa dajisay nasiib wanaag Reena wey soo wacday waxayna u sheegtay inay nabad qabto oo wadada ku xirmatay.

Maxaa dhacay markii Aamir & Reena guurkoodii la ogaaday: Sheekadii wey fashilmatay sidoo kalena labada waalid wey ogaadeen guurkoodii qarsoodida ahaa balse Aamir qoyskiisa wey soo dhaweeyeen nolosha uu wiilkooda sameestay. Laakiin Reena qoyskeeda wey diideen inay guurkaan aqbalaan weliba Reena aabaheed oo ahaa sarkaal ciidamada Hindiya ka tirsan naxdin ayay arinkaan ku noqotay wadnaha ayaa laga qabtay waxaana la dhigay isbitaal. Aamir sodagiisa ayuu isbitaalka maalmo kula jiray oo uu ka war haayay markii uu soo boqsadeyna wuu aqbalay guurkooda wuxuuna Aamir u sheegay in nin isaga ka wanaagsan gabadhiisa u keeni laheyn.

Tashuushkii Aamir Lagu Furay Iyo Tilaabadii Uu Qaaday: Markii filimka Qayamat Se Qayamat Tak soo bixi rabay adeerkiis Nasseer Hussein iyo walaalkiis Mansoon khan iyo dhamaan kooxda filimkan waxay ku dhaheen qari guurkaaga yaan la ogaanin haddii kale cidna ma daawan doonto filimkaaga. Aamir waa laga awood badiyay wuuna aqbalay midaas balse filimka markii masraxa la saarat durba saxaafada ayaa ogaatay noloshiisa gaarka ah soona daabacday isagana wuxuu qaatay go’aan ah inuu saxaafada hortago una sheego xaqiiqada wuxuuna midaas ka dhaxlay inuu helo taageerayaal xad dhaaf ah filimkiisiina wuxuu noqday Blockbuster taariikhi ah oo iliaa iminka la xiiseeyo.

Bur Burkii Ku Yimid Noloshii Aamir & Reena Ka Dhaxeesay: Aamir iyo Reena guurkoodii 16-sano kadib wuu soo idlaaday waxayna lamaanahan isku dhaleen labo caruur ah wiil lagu magacaabo Junaid iyo gabbar la dhaho Ira. Aamir ayaa lagu eedeeyaa inuu Reena qalbiga ka jebiyay madaama uu xiriiro qarsoodi ah la yeeshay gabadhii reer British ee joornaalistaha ahayd Jessica Hines oo weliba la sheegay inay wiil u dhashay inkastoo uu diiday inuu cunagaas aqbalo, Rani Mukerji oo uu xiriir qarsoodi ah la yeeshay iyo sidoo kale Kiran Rao oo qortay sheekada filimkiisii Lagaan. Aamir haatan u dhaxdo gabadha sheekooyinka filimada qorto Kiran Rao oo u heyso wiil lagu magacaabo Azad Rao Khan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here