Vidyut Jammwal filimkiisa Action-ka ah Commando 3 ayaa soo dhaweyn wanaagsan ka helaayo tiyaatarada gudaha Hindiya kadib markii maalinkiisa kowaad uu keenay 4.75 Crore (Trade Figure) waxaa u suura gashay maalinkiisa labaad 15% ilaa 20% sare u kac inuu sameeyo waana arin aad u wanaagsan oo muujineyso in mashruucan daawadayaasha ka heleen.

Sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday qiyaasta xili hore Commando 3 shalay oo Sabti ahayd wuxuu keenay 5.25 Crore ilaa 5.50 Crore ganacsi u dhaxeeyo weliba xita tiyaatarada Multiplex-ka ganacsi wanaagsan ayuu ka sameeyay shalay asigoo maalinkiisii kowaad ku xooganaa filimkan tiyaatarada Single Screens oo kaliya.

Waxay ka dhigan tahay Commando 3 mudo labo maalmood ah ganacsigiisa 10 Crore inuu ka talaabay maantana waa Axad waa maalin hawlaha laga nasanaayo waxaana lagu kalsoon yahay sare u kac xoogan ganacsigiisa inuu sameyn doono filimkan fariintiisa la wada amaanayo.

Commando 3 waxaa laga rabaa Isniin ilaa Khamiis maal maha shaqada ganacsi ahaan inuu is celiyo balse filimkan haatan sida uu ku socdo waxay ka dhigan tahay rajo wanaagsan in laga qabo mashruuc guuleestay inuu noqon doono madaama maalinkiisa labaad asigoo filim Action ah sare u kac wanaagsan uu sameeyay maalintiisa labaad.

Dhinaca kale filimka Cartoon-ka ah Frozen II ayaa sare u kac waali ah shalay gudaha Hindiya sameeyay wuxuuna sare u kacay ilaa 125% Sabtigiisa labaad qiyaas ahaana wuxuu keenay 3.25 Crore wuxuuna ilaa iminka keenay 32.25 Crore qiyaas ahaan mudo 9-maalmood ah waxaana muuqato filimkan 40 Crore ganacsigiisa gudaha Hindiya ka talaabi doono waana filim guuleestay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here