Vidyut Jammwal filimkiisa Action-ka ah Commando 3 ayaa siweyn u hirgalay shalay oo axad ahayd kadib markii uu keenay 8 Crore qiyaas ahaan sida ay shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday xili hore weliba ganacsigiisa intaan wuu ka badan karaa marka sida rasmiga ah ganacsigiisa maalinta sedexaad loo soo daabaco.

Waxay ka dhigan tahay haatan mudo sedex maalmood ah Commando 3 inuu soo xareeyay 18.50 Crore qiyaas ahaan weliba shalay oo Axad ahayd 50% sare u kac ayuu sameeyay wuxuuna noqday filimka sanadkan 2019 Axadiisa kowaad sare u kaca ugu weyn sameeyo asigoo dhaafay Total Dhamaal oo sanadkan 40% sare u kac sameeyay Axadiisa kowaad waxaana dhacday shalay in gobol walbo filimka Commando 3 siweyn looga daawaday.

Haatan waa hubaal Commando 3 inuu guuleesan doono asigoo noqon doono taxanahan midkiisa ugu horeeyay ee guul gaaro sidoo kalena waxaa muuqato in daawada yaasha ka heleen taasi oo ka caawin karto laga bilaabo Isniin ilaa Khamiis inuu ganacsi ahaan is celiyo sidoo kalena meesha lagama saari karo inuu si la yaab leh HIT ku noqdo filimkan aan marka hore xayeysiin balaaran loo sameynin sidoo kalena la buun buunin.

Dhinaca kale filimka Hotel Mumbai isagan sare u kac wanaagsan ayuu sameeyay shalay oo Axad ahayd wuxuuna keenay 2.25 Crore qiyaas ahaan taasi oo ka dhigan sedexdiisa maalmood ugu horeyso inuu keenay 5 Crore qiyaas ahaan waxaana rajo wanaagsan laga qabaa maal maha shaqada inuu filimkan ganacsi ahaan is celiyo madaama fariintiisa la wada amaanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here