Cristiano Ronaldo oo oohin jabsaday sabab la xiriirto aabihiis asigoo wareysi bixinaayo.

0
676

Jose Dinis Aveiro waa aabaha dhalay Cristiano Ronaldo wuxuuna geeriyooday 14 sano kahor xiligaas oo uu Ronaldo 20 jir ahaa, wuxuuna Ronaldo aabihiis u dhintay beer xanuun sabab la xiriirto in uu khamriga joogteeyay waxayna geeridiis waqtigaas Ronald ku noqotay shook.

Ronaldo oo waalidkiis ka hadlaayay ayaa sheegay inuu dareemaayo murug weyn maadaama aabihiis geeriyooday kahor inta uusan arkin asigoo xidig weyn noqonaayo,

Ronaldo ayaa intaas ku daray in hooyadiis walaalihiis iyo caruurtiisaba ay arkeen asigo koobab badan iyo bilado badanba aruursanaayo balse aabihiisa uusan marnaba midaasi arkin.

Ronadlo oo oohinta isku celin waayay ayaa yiri; “markaan cayaarayo kulan kasta oo weyn sidoo kalana koobab ku guuleysanaayo iyo biladaha shakhsiba waxaan jeclaan lahaa inuu ila joogo xitaa ugu yaraan hal koob arko anoo qaadayo”

Ronaldo ayaana hadalkiisa kusoo qatimay asigoo la hadlaayo wariyihii wareysanaayay; “waxaan rabay in wareysigaan kusoo dhamaado kaftan iyo anagoo wada qosleyno balse marnaba maanka ma aanan gashanin inaan ooyn doono”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here