Sooryavansham waa Filim caan ah oo qofkii daawada uu jeclesanaayo markale inuu daawado waa mashruuc hirgalay dunida dad badana kasoo jiitay si qaas ah dadka Soomaalida dhexdooda aad ayee u jecel yihiin mashruucan.

Hogaamiyaha Filimka Amitabh Bachchan oo labo door kujilay ama wiil iyo aabihiis hadaba cali dheeraha wiilka ah waxuu dhalaa wiil yar sida uu Filimka kujilaayo wiilkas yarna waxaa awoow u ah cali dheeraha Suldaanka ah waana cunug door fiican kuleh iskuna keenayo aabihiis iyo awoowgiis .

Wiilkaas Filimkaas kujiray maanta waa nin weyn oo jilayaashii Filimkaas jileen ayaaba hader duqoweyn maadama 21 sano kudhowaad laga joogo hadaba wiilkan yar waxaa lagu magacaaba Ananda Vardhan waana jilaa caan ah.

Yaraantiisa marka Sooryavansham laga soo tago wuxuu kaloo jilay aflaam badan oo uu caruur nimadiisa kujilay isagoo lasoo shaqeyay xidigo caan ah oo koonfur maqaam ka gaareyn sida Venkatesh, Jagapati Babu, Balakrishna iyo kuwa kale oo badan abaal marino kala nooc ah ayuuna ku guuleystay intuu yaraa.

Koonfur ayuu kasoo jeeda Filimadiisana koonfur ayee u badan yihiin balse 1999 ayuu fursad u helay isagoo yar inuu shaashada kala soo muuqdo Amitabh Bachchan Filimka Sooryavansham oo ah mashruuc koonfur asal ahaan leedahay oo dib loo sameeyay.

Ananda Vardhan hader waa atoorw sameeyo Filimada Koonfur India sida Tamil iyo Telugu dabcan wajigiisa qaarkiin wey aqoonsan karaan waana nin hader caan noqonaayo daafaha caalamkana magac weyn ka raadinaayo inkastoo Sooryavansham si weyn loogu yaqaano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here