Filimka weyn Pathan ee SRK kusoo rogaal celinaayo haatan duubistiisa waxay socotaa dhankaas iyo magaalada Dubai waana filim Action iyo arimaha sirdoonka caalamiga ah ka hadlaayo ayadoo SRK hormuud u yahay sirdoonka filimkan waxaana garab taagan Deepika Padukone oo sarkaalad ah halka atirishada ruug cadaaga ah Dimple Kapadia madax u tahay sirdoonka Hindiya oo dagaal kula jiraan ninka loo taag waayay John Abraham oo laadarka mashruucan.

Director Sidharth Anand ayaa haatan ku dhawaaqay jadwalka ugu xasaasi ah inuu ka bilaaban doonto daarya caanka ah Burj Khalifa ee magaalada Dubai ku taalo ficilo Action-mo halis ah iyo is bursi inuu ku dhex mari doono SRK iyo Deepika oo filimkan hogaamiyaal ah waxaana garab siinayo Salman Khan oo mashquulkan muuqaal marti ah ku leh kuna jilaayo doorkiisa taxanaha Tiger looga bartay ee sirdoonka awooda badan waxayna kooxdan isku kaashan doonaan sidii ay kaga taqalusi lahaayeen John Abraham oo ah laadarka awooda badan filimkan lala dagaalayo.

Muuqaalkan wuxuu noqon doonaa dhamaadka ama uultimada filimkan ayadoo lagu tilmaamay dhamaadkii ugu saameynta badnaa filim Hindi ah inuu midkaan noqon doono madaama aan waxba la isku reeban doonin. Sidoo kale Salman Khan muuqaalkiisa waa muhiim wuxuuna filimkan ku leeyahay 20-daqiiqo ilaa 25-daqiiqo oo uu mudo 15-maalmood ah ku duubayo sidaa darteed Sallu doorkiisa waa muuqaal marti ah oo la fidiyay una muhiim ah sheekada filimkan arimaha sirdoonka ka hadleyso madaama shirkada Yash Raj Films iska leedahay iyada ayaa qorshahan wadato isku dhex darka sheeko ahaan Pathan iyo taxanaha Tiger madaama labaduba yihiin fariin ahaan kuwa sirdoonka ka hadlayaan sidoo kalena Salman bisha Maarso ee nagu soo fool leh filimkiisa weyn Tiger 3 ayuu duubis rasmi ah ku bilaabi doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here