Home » Nolosha Jilaayaasha » Daawashada Devdas Oo 16 Sano Kasoo Wareegtay iyo Twitter-ka Oo Si Waali Ah Looga Dabaal Dagaayo!!

Daawashada Devdas Oo 16 Sano Kasoo Wareegtay iyo Twitter-ka Oo Si Waali Ah Looga Dabaal Dagaayo!!

Devdas waa mid kamid ah filmada Bollywoodka loogu jecelyahay taariikh ahaan iyo kuwooda ugu wanaagsan ee aan laga xiiso dhigeenin daawashadiisa.

Filmkaan Classic-da ah maanta oo kale ayaa la daawaday 12 July sanadkii 2002 waxuuna maanta jirsaday 16 sano oo ay kasoo wareegatay daawashadiisa ayadoo uu Director ka ahaa Sanjay Leela Bhansali.

Devdas wa filmkii afaraad ee taariikhda Bollywoodka ku guulesta afarta abaal marin FIlmfare ugu waa weyn eek ala ah atooraha ugu wanaagsan, atirishada ugu wanaagsan, filmka ugu wanaagsan iyo Director-ka ugu wanaagsan.

Mashruucan waxaa hogaamiyaal ka ahaayen Shah Rukh Khan, Aishwarya Rai Bachchan iyo Madhuri Dixit kuwaaso abaal marino ku aruursadeen mashruucan.

SRK abaal marinta atooraha ugu wanaagsan ayuu ku hantay filmkaan sido kale Aishwarya ayaa dhankeeda abaal marinta filmfare qeybta atirishada ugu wanaagsan ku qaadatay Sanjay Leela Bhansali Director-ka ugu wanaagsan sanadkii 2002 ayuu noqday kuna guulestay abaal marinta filmfare.

Ugu dambeyn Madhuri Dixit ayaa ku guulestaay abaal marinta atirisho caawisada ugu wanaagsan ee Filmfare bixiso guud ahaan abaal marinada FIlmdare 11 ayee gaarayaan inta uu filmkaan ku guulestay iskoor cusub ayuuna dhigay dhanka abaal marinada balse Black oo isla SLB director ka ahaa lana daawaday 2005 ayaa kala wareegay iskoorka dhanka abaal marinada.

Hadaba mashruucan ayaa barta Twitter-ka si waali ah looga dabaal dagayaa sanad guuradiisa kasoo wareegatay 16-ka sano taageerayaal fara badan ayaana Twitter-ka soo dhigayaan sawiro iyo muuqaalo filmkaan ah waxuna darajo ahaan noqday Hit waliba waxuu noqday filmka lacagaha ugu badan sanadkaas Box-office-ka kasoo xareeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *