Daawo; Gabar quruxleey ah oo jilaaga Kartik Aaryan hortiisa jilbo jabsatay guurna ka dalbatay. Muxuu sameeyay Kartik?

0
5427

Kartik Aaryan wuxuu kamid yahay jilayaasha Bollywoodka ee dhalinta yar asigoona kusoo caanbaxay shacbiyad balaarana ku helay filimka Sonu Ke Titu Ki Sweety wuxuuna wixii filimkaas ka dambeeyay helay magac iyo maamuuska uu u baahnaa.

Hadaba waxaa wax iska caadi ah in jilaaga markii uu caan noqdo helaayo shacbiyad balaaran sidaas owgeed maanta waxaan idiin heynaa gabar aad u taageerto jilaagaan oo jidka dhexdiisa inta jilbo jabsatay guur ka dalbatay.

Gabadhaan oo farxad aan caadi aheyn laga dareemaayay kadib markii ay la kulantay jilaaga ay taageerto ayaa jilibka dhulka dhigatay kadibna Kartik guur ka dalbatay balse Kartik Aaryan ayaa garabka soo qabtay korna usoo qaaday wuxuuna la galay sawir Silfey ah inkastoo uusan mas’alada guurka uga jawaabin.

Hadaba muuqaalka halkaan hoose ka daawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here