Daawo Mucjiso; Waa indhoole sidoo kalana ma hadli karo balse wuxuu ku guuleystay American Got Talent asigoona 1M dollar jeebka ku ritay.

0
481

Waqtigii la joogaba waxaa la arkaa mucjiso cusub oo ka yaabisa noolaha markaa jooga, Wiilkan dhalinta yar magaciisu waa Kodi Lee oo 22 jir ah una dhashay dalka America.

Kodi ma aha qof caadi ah ee waa Camoole aan wax arkin iyo Autistic uu hadalku ku adag yahey, laakiin sida ay Hooyadiis Tina Lee sheegtey markuu yaraa ayey aragtey sida uu u jecel yahey inuu heeso markaas bey usoo iibisay Qalab uu ku barto sida loo tumo muusiga hade ogoow wiilku waa camoole🙏.

Kodi ayaa Sanadkan iska soo diiwaan geliyey Tartanka uu qof kasta kusoo bandhigo Heybadda uu rabbi siiyey ee American Got Talent, qofkii ama kooxdii ku guuleysatana la siinayo abaal marin Hal Milyan oo Dollar ah.

Hooyo Tina oo gacanta ku hogaamineysa wiilkeeda Kodi ayaa masraxa soo kortey, waxaa lala yaabanaa waxa uu ku tartami doono Wiilkan aan kaligiis is wadi karin oo xitaa ay ku adkaayeen inuu ka jawaabo su’aalaha qaar.

Waxeysa arintii is badashey markii uu Kodi dul fariistey biyaanadiisii oo uu toosiyey mikrafoonkii, dhawaqii musiga iyo codkiisii markii la maqlay waxaa indhaha wada taagey dhamaan xaakinnadii, waxaa farxad iyo sawaxan isku darey kumanaankii daawanayey.

Markii uu dhameeyey waa loo wada sara kacay oo xitaa dadkii qaar baa la ilmeeyey mucjisada Wiilkan hadalka dhibayo oo indhaha laheyn hadana u heesay sidii fanaan weyn oo dunida ku caan baxay weliba isaga tumanaya musiga.

Tartan dheer oo isbuucyo socday kadib waxaa ugu danbeyn guushii raacday Kodi Lee oo loo wada codeeyey sidaana ku noqday Milyinaar.

Ujeedada qoraalkeyga iyo muhiimaddu waa in qof waliba leeyahey heybad u gaar ah si kasto oo xubno jirka ah looga noqdo naafo, tan ugu daran ama ugu xun waa marka uu qofku ka naafoobo qalbiga, marka qof waliba ha dadaalo hana raadsado waxa uu ku wanaagsan yahey oo uu heybad gaar ah u leeyahey.

. Linkiga koowaad waa bilowgii Kodi Lee
. Linkiga labaadna waa guushii Kodi Lee.
. Linkiga Sadaxaadna waa Kodi & Leone Lewis.

https://youtu.be/pDPdRYF7hTQ

https://youtu.be/Y3Mf53LeKfA

https://youtu.be/g7yqx8p0zJI

WQ. Mohamed Deeyoo,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here