Home » Nolosha Jilaayaasha » Dab Ka Kacay Dhismaha Deepika Padukone Ka Degentahay Magaalada Mumbai (+Sawiro)

Dab Ka Kacay Dhismaha Deepika Padukone Ka Degentahay Magaalada Mumbai (+Sawiro)

Dhismaha weyn ee ku yaala wadada Prabhadevi ee magaalada Mumbai ayaa dab ka kacay galabkaan ayadoo Deepika Padukone saacadaas ku sugneed dabaqeeda ay ka degentahay dhismahan weyn.

Sida wararka sheegen waxuu dabka ka kacay dabaqa 32-aad halka Deepika ku nooshahay ama ka degentahay dhismahan weyn dabaqa 24-aad waxaana la sheegay in dabka uu sameyay ilaa 4 dabaq ka badan.

Dad badan ayaa waxyeelo kusoo gaareen ayadoo gurmad dab damis ah ka socoto goobta hadeer walina Deepika goobta ayee kujirtaa saxaafadana kama warheeso xaalkeda.

Waxaan soo helnay sawiro laga soo bandhigay dhismahan dabka kakacay halkaan hoose kaga bogo..