Mashruucan Dabangg 3 ayaa maalintiisa seddexaad tiyaatarada saaran waana filmkii la islahaa waxuu noqon doonaa filimka ugu weyn 2019 balse filimkaan caqabado badan ayaa heystaan oo uu sare ukac weyn u sameeyn la’yahay.

Dabangg 3 ayaa subaxuu hore xiliga India ku furmay 25 ilaa 30% balse duhurkii ilaa galabtii xiliga India sare ayuu ukacay waxuuna hader marayaa ilaa 45% waana arin fiican dhanka kale waxaa la sheegay in caawa fiidkii 50% dhaafi doonin.

Wey adagtahay in caawa fiidkii uu dhaafo 50% waana caqabad heysata maanta waa maalin shaqo sidaa aawged Dabangg 3 waxaa looga fadhiyaa inuu 30 Crore sare udhaafo.

Balse qiyaas ahan waxaa la sheegaya in maanta oo axad ah uu keeni doono 27 Crore mana la hubo sikastee ahaaba beri ayaa la ogaan doonaa halka mashruucan gaaro maalintiisa seddexaad ganacsi ahaan caqabada ugu weyn ee heysatana waa qaska iyo dagaalada ka socda gudaha India oo dadka badankooda u imaan karin tiyaatarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here