Dabangg 3 iyo caawo fiidkii halka uu maraayo iyo qiyaas ahaan lacagaha uu maalintiisa koowaad keeni doono.

0
967

Filimka Dabangg 3 oo uu hogaamiye ka yahay Mega Star Salman Khan ayaa maanta oo jimce aheyd tiyaatarada India la saaray asigoona filimkaan subaxaan gaabis ku furmay maadaama uu hogaamiye ka ayahay Salman Khan sidoo kalana Action yahay si weyn kuma furmin.

Sababta gaabiska keentay ayaa waxay aheyd sidaan saakayba idiin sheegnay in India ay ka socdaan rabshado la xiriiro sharciga jinsiyada wadankaasi oo wax laga badalay waliba isbadalka ayaa wuxuu dhibaato ku yahay muslimiinta wadankaas ku nool gaar ahaan kuwa soo galootiga ah wuxuuna sharcigaan cusub dhaliyay saxmad aad u weyn taasoo keentay banaanbaxyo rabshado wato iney dhacaan.

Sidaas owgeed filimka Dabangg 3 kuma furmin qaabkii la filaayay waxaana sidoo kale maanta duhurkii iyo caawo fiidkii uusan sameynin wax sare ukac weyn ayadoo rabashadahaan filimkaan saameyn baaxad leh ku yeesheen.

Qiyaas ahaan haatan Dabangg 3 bari wuxuu keeni doonaa 21 ilaa 22 crore lacago u dhaxeeyaan waxaana macquul ah in caawo galinka dambe uu si fiican sare ugu kaco uu filimkaan 22 crore wax ku darsado.

Dabangg 3 ayaa saakay ku furmay 30% guud ahaan tiyaatarada India asigoona duhurkaan gaaray 35% asigoo caawo fiidkiina tagay 55% balse filimkaan intaan ka badan ayaa laga filanaayay.

Filimside kala soco bari subax lacagaha rasmiga uu filimkaan keenay maalintiisa koowaad hadii Alle yirah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here