Salman Khan Filimkiisa Dabangg 3 ayaa keenay 40 Lakh isniintiisa seddexaad waxuuna mudo 18 maalmood ah marayaa ganacsigiisa guud 134.75 Crore waxaana la filaa todobaadkiisa seddexaad inuu 4 Crore keeno ugu badnaan xitaa waxaa macquul ah in 3 Crore keeno.

Tani waxay ka dhigantahay inuu 137 Crore ku istaagi doono cimri ahaantiisa dhanka af hindiga halka 4.50 Crore na koonfur luuqadaha kale lagu daawaday uu ka keeno doono wadarta guudna luuqadaha oodhan 141.50 Crore inuu ku istaago ayaa la filaa.

Dabangg 3 ganacsiga cimri ahaantiisa uu sameeyay in badan waxuu ka yar yahay qeybihii hore sida Dabangg iyo Dabangg 2 tusaale ahaan Dabangg waxaa daawatay 25-milyan qof halka Dabangg 2 ay daawadeen 20-milyan qof sido kalena Dabangg 3 waxaa daawadeen inkayar 10-milyan qof.

Hoos kaga bogo todobaad walba ganacsiga Dabangg 3 soona daabacday BOI:

Todobaadka Kowaad: 112.53 Crore

Todobaadka Labaad: 19.24 Crore

Jimco Seddexaad: 50 Lakh

Sabti Seddexaad: 75 Lakh

Axad Seddexaad: 1.25 Crore

Isniin Seddexaad: 40 Lakh

Wadarta Guud: 134.67 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here