Dabangg 3 iyo isniintiisii koowaad ganacsigii uu sameeyay filimkaan hoos ayuu u socdaa.

1
974

Filimka Dabangg 3 ayaa shalay oo isniin aheyd keenay 9.25 crore waana lacago aad u liito asigoona sameeyay 60% hoos u dhac ah markii lala barbardhigo jimcadiisii koowaad.

Filimkaan ayaa hoos u dhac loo baahneyn sameeyay waayo jimcadiisii koowaad wadanka rabshado ayaa ka jireen mana uusan sameynin ganacsigii laga filaayay marka in jimcadiisii koowaad ganacsi liito keeno hadana isniintiisa koowaad 60% hoos u dhaco waa arin niyad jab ah.

Xisaabta ku darso shalay jawiga wuu daganaa oo rabshado badan ma jirin balse qiimaha tikidka ayaa hoos loo dhigay maadaama isniin aheyd taasna kama caawin filimkaan in lacago fiican keeno.

D3 haatan wuxuu ganacsigiisa guud marayaa 82 crore asigoona todobaadkiisa koowaad qiyaas ahaan haatan keeni doono 105 crore ilaa 110 crore waana lacago aad u liito xili lacagahaan la islahaa isbuuciisa koowaad ayuu keeni karaa balse todobaad ayay ku qaadatay filimkaan.

D3 Punjab iyo Delhi shalay siweyn ayuu hoos ugu dhacay waana meesha uu filimkaan aad uga liitay taasoo sababta u aheyd in ganacsiga filimkaan siweyn hoos ugu dhaco.

Halkaan hoose kaga bogo D3 iyo mudo 4 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 22.50 crore.

Sabti; 22 crore.

Axad; 28.50 crore.

Isniin; 9.25 crore.

Wadarta guud; 82.25 crore

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here