Dabangg 3 iyo maalintii shalay aheyd ganacsiga uu sameeyay xili filimkaan kor isku soo qaaday.

0
1001

Filimka Dabangg 3 ayaa maalintii shalay aheyd sameeyay 30% sare u kac ah asigoona keenay 28.50 crore nadiif ah canshuurta kadib wuxuuna haatan wadarta guud ee filimkaan marayaa 73 crore qiyaas ahaan waana ganacsi aad iyo aad u wanaagsan markii loo fiiriyo caqabada uu filimkaan wajahay.

D3 waxay aheyd in sadaxdiisa maalmood ugu horeyso uu soo xareeyo qiyaastii ilaa 85 ilaa 88 crore balse taasi ma dhicin oo ganacsigiisa waxaa ka jarmay lacago u dhaxeeyo 12 ilaa 15 crore.

Magaalooyinka Delhi iyo UP waa meesha ugu badan ee filimkaan uu lacagaha ugu badan ku waayay maadaama goobahaas rabshadaha aad ugu badnaayeen xili ay muslimiinta ku badanyihiin waana mida sabab u noqotay in tiyaataro badan oo goobahaas ku yaalay ay xirnaadaan badalkii filimka Dabangg 3 la saari lahaa.

Isku soo wada duuboo D3 sadaxdiisa maalmood ee ugu horeyso Weekendiga wuu ku fashilmay in ganacsigii laga rabay uu filimkaan la yimaado balse haatan waxaa laga rabaa inuu ka faaideysto fasaxa Christmaska ee nagu soo fool leh hadiise uu ka faaideysan waayo xaalada filimkaan waa loo yaabaa.

Halkaan hoose kaga bogo Dabangg 3 iyo mudo 3 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 22.50 crore

Sabti; 22.50 crore.

Axad; 28.50 crore.

Wadarta guud; 73 crore (qiyaas).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here