Dabangg 3 iyo maalintii shalay aheyd (Talaado) ganacsiga uu sameeyay.

0
1200

Filimka Dabangg 3ayaa shalay is celiyay isla markaasna keenay lacago lamid ah kuwii uu isniintiisii koowaad keenay mana uusan sameynin wax hoos u dhac ah.

Filimkaan ayaa xalay fiidkii sare u kac fiican sameeyay maadaama maanta Christmas tahay isla markaasna uu fasax qaran jiro wuxuu xalay fiidkii filimkaan sameeyay sare u kac macquul ah taasoo lacagtiisii shalay la sintay midi isniintii uu keenay.

Dabangg 3 ayaa haatan mudo 5 maalmood maraayo 91 crore wuxuuna isbuuciisa koowaad ku dhameysan doonaa qiyaas ahaan 110 crore.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo lacagaha uu sameeyay mudo 5 maalmood ah;

Jimce; 22.50 crore.

Sabti; 22 crore.

Axad; 28.50 crore.

Isniin; 9.25 crore.

Talaado; 9.25 crore.

Wadarta guud; 91.50 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here