Salman Khan Mashruuciisa Dabangg 3 ee maalintiisa labaad tiyaatarada saaran ayaa hoos udhac kale sameeyay maalintiisa labaad balse hoos udhac sidaa u weyn ma ahan marka lala bar bardhigo maalintiisa kowaad.

Shalay oo Sabti ahed Dabangg 3 waxuu keenay 22 Crore (Trade Figure) halka Jimcadii uu keenay 22.50 Crore tani waxay ka dhigantahay inuu mudo labo maalmood ah ku keenay 44.50 Crore waana lacag gaabis ah marka loo fiiriyo in mashruuca taxanaja Dabangg yahay Salman Khan na hogaaminaayo.

Meelo qaar ayuu shalay sare ukac ka sameeyay waana gobolada ay rabshadaha ku yaraayen marka laga soo tago qaska iyo qalalaasaha socdo in daawadayaasha si weyn usoo dhaweynin Dabangg 3 sidaa aawged rajadii weyned ee laga lahaa meesha wey Ka baxeysa.

Dabangg 3 waxuu lumin doonaa 12 Crore ilaa 15 Crore qiyaas ahaan seddexdiisa maalmood ugu horeyso inkasto maanta axad tahay sare ukacna sameeyn doono hadana rajadii weyned lagama qabo.

Todobaadkiisa kowaad inuu sifiican isku celiyo ayaa la rajeynaa waxaan kaloo la ogeyn goorta qalalaasaha jiraan istaago doonaan tiiyo jirto hadana todobaadka dambe Akshay Kumar Filimkiisa ayaa tiyaatarada lasoo saari doona sidaa aawged Dabangg 3 dhibka waa kusoo badanayaa.

6 COMMENTS

  1. Filmka goos news akshay kaliya hogaamiyrme kama aha afkiina bara atirishada awooda badan ee laqaybsanaysa filmka mida kale waa film si siman loo qaybsaday akshay akshay akshay maxaad ka wadaan xaqiraada inta leg Ali Aadan

    • Horta masuulka kowaad waa Akki, muga’ iyo maqaamka Bebo inaan xaqirno anaga ayee ceeb nagu tahay marka wixii afkeena bartay hanoo qabanin walaasheen xaqiraad nagama ahan Kareena mala xaqiri karo hada kadibna inaan xusno aan ku dadaalena mahadsanid walal qaali.

  2. Filmka good news akshay wuxuu unoqonaya filmki ugu horeeyey 270 ama darajada 300 cror ugaara warka ha la iga qoro aniga nasiibkaana Bebo iyada wadata waa inoo jimcaha 27 bisha iisha Allah kkkkkkkkkk

    • Waa hagaag kkkkk, hadalkaan maqaal ayaa kusoo qaadaneena oo adiga aan kugu xuseyno hadee sidaa dhacdo, Akki nasiibka Bebo wuu u baahan yahay inkastoo labadooda nasiib isku leheen inee filim guul weyn gaaray wada sameyaan sababto ah filimadii hore midna Hit uma noqon waanse arkeena midkaan meeshu gaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here