Dabangg 3 iyo maalintiisii koowaad ganacsiga uu sameeyay qiyaas ahaan iyo filimkaan oo xaalka ka xunyahay.

0
895

Filimka Dabangg 3 oo shalay jimcihii tiyatarada India la saaray ayaa caqabad weyn la kulmay taasoona curyaamisay ganacsigii weynaa  ee filimkaan laga filanaayay wuxuuna keenay lacago u dhaxeeyo 22 ilaa 24 crore qiyaas ahaa.

Lacagaha ma ahan kuwa la hubo waayo waxaa dhib noqotay uruurinta xogta rasmiga ee lacagaha uu filimkaan maalinta koowaad keenay maadaama wadanka rabshado ka jiraan xaalkana qasanyahay sida lagu helo xog sax ah ma sahlana sidaas owgeed lacagahaan wey is badali karaan oo intaan wey ka badnaan karaan ama ka yaraan karaan gadaal ayaana kasoo sheegi doonaa.

Dabangg 3 ayaa kusoo aaday xili india ay ka jiraan mowjado dibad baxyo iyo bandow waxayna arinkaas sababtay in magaalo walba filimkaan ganacsigiisa ka goosato qiyaastii 15% ilaa 20% lacagihii u keeni lahaa.

Dabangg 3 ayaa laga filaayay in maalintiisii koowaad uu keeno ugu yaraan 30 crore balse taasi ma dhicin waxayna rabshadihii dhacay filimkaan ka goosteen qiyaastii 6 ilaa 7 crore waanan lacago badan oo uu filimkaan keeni lahaa hadii rabshadahaas dhici laheyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here