Dabangg 3 iyo talaadadiisii labaad lacagaha uu keenay filimkaan toos uu u fashilmay.

0
1413

Filimka Dabangg 3 ayaa toos ugu fashilmay Box Officeka maadaama uu todobaadkiisa labaad burburay asigoona xitaa awoodi la’san in Average noqdo filimkaan una badantahay inuu Flop noqon doono.

Filimka Dabangg3 oo todobaadkiisii koowaad dhexda ka galay rabshado kuwaasoo filimkaan lacagihiisa wiiqay ayaa todobaadkiisii labaad hoos u dhac weyn sameeyay waxaana ugu wacan in filimkaan sheekadiisana la iska diiday.

D3 ayaa shalay keenay 2.50 crore asigoona isniintii keenay 2 crore taasoo lamid ah in todobaadkiisa labaad mudo 5 maalmood uu filimkaan maraayo 15.25 crore waana lacago ka yar lacagihii uu shalay kaliya Good Newwz keenay kuwaasoo ahaa 15.50 crore.

Maadaama maanta tahay maalintii ugu horeysay sanadka cusub filimkaan sare u kac ayuu sameyn doonaa balse ma ahan mid filimkaan ka caawin doono siduu Average ku noqon lahaa oo uu 150 crore ku gaari lahaa.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo D3 iyo mudo 12 maalmood ganacsioga uu sameeyay;

Week1; 113.75 crore.

Jimce 2aad; 2.75 crore.

Sabti 2aad; 3.50 crore.

Axad 2aad; 4.50 crore.

Isniin 2aad; 2 crore

Talaado 2aad; 2.50 crore.

Wadarta guud; 129 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here