Dabangg 3 ma wuxuu mari doonaa wadadii Saaho iyo Housefull 4 ee guusha mise wadadii Thugs of Hindostan iyo Zero ayuu qaadi doonaa oo wuu fashilmi doonaa?

2
1107

Waxaan idinla wadaagnay in filimka Dabangg 3 uu wajahay caqabado aad iyo aad u adag uguna horeeyaan bandowga magaalooyinka qaar lagu soo rogay iyo dibad baxyada rabshadaha wataan kuwaasoo ganacsigii filimkaan caqabad ku noqday.

Sanadkii hore waxaa xaalada caqabado leh bartanka ka galay filimada Zero iyo Thugs of Hindostan kuwaasoo sheekadooda aad loo dhaliilay isla markaasna hadal heyn xun suuqa loo galiyay waxayna filimadaan wajaheen mowjado caqabad ku noqday ganacsigooda ayagoona ugu dambeyn ku fashilmay iney ka gudbaan.

Hadana markale sanadkaan waxaa caqabadahaas kuwa lamid ah wajahay filimada Housefull 4 iyo Saaho inkastoo H4 ay caqabadiisa aad u dheeraatay asigoona filimkaan Pre-Diwali la saaray xili dadka diyaargarowga Diwlai ku mashquulsanaayeen isla markaasna sheekadiisa siweyn loo dhaliilay heer lagu tilmaamay inuu yahay Disaster burburi doono ganacsi ahaan iyo sheeko ahaanba.

Hase yeeshee filimada Saaho iyo H4 caqabadaas si layaab leh ayay uga gudbeen gaar ahaan H4 oo waliba noqday filimka Akshey Kumar lacagaha ugu badan usoo xareeyo sidoo kalana noqday filimka filimada Comedyga lacagaha ugu badan keeno wuxuuna filimkaan noqday Super Hit.

Hadaba haatan waxay farta ku godantahay filimka Dabangg 3 oo caqabadaha filimadaas wajaheen kuwa kadaran haatan heystaan waayo dadkii ayaaba tiyaatarada soo aadi la’san bandow iyo cabsi rabshadaha dartood.

Sidaas owgeed su’aasha waxay tahay Dabangg 3 maka gudbi doonaan caqabadahaas oo ma guuleysan doonaa sidii filimada Saaho iyo Housefull 4 mise wuu ku dhici doonaa caqabadahaas sidey ugu dhaceen filimada Thugs Of Hindostan iyo Zero.?

Jawaabta aragtidaada nala wadaag akhyaarta sida ugu macquulsan uga jawaaba waan soo qaadan doonaa anagoo maqaal gaar ah ku xusi doono.

2 COMMENTS

  1. Caqabadaha aad shegayso ee filimadu waa jahayan isku mid mahan filimkan wuxu wajahaya wa bandow halka kuwa kale ayso wajahen shekada filimka oo la dhalilay. marka taxlilkaga uma bogin. waxana ku siyey 1/5.

  2. Horta adigu inad wax sogudbisid mabaha aflam shekadoda 1/2 Lasiyay iyo filin 3 xidigiyo badh lasiyy oo shekadisa aad lo amanay on labada caqabadodba isku mid ahayn sikastaba filimkan mudo aad u dher ayuu shashadaha sarnana dona wana All the time bb mrka wxn ku leyay xaglinta iskada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here