Salman Khan Filimkiisa Dabangg 3 fashil weyn ayaa kudhacay mashruucan todobaadkiisa seddexaad 3-maalmood ugu horeysay waxuu keenay 2.50 Crore isagoo hoos udhacay 80% marka lala bar bardhigo todobaadkiisa labaad.

Sabti iyo axad sare ukac ayaa la filaayey maadama maalmaha shaqada laga nasto ahaayen oo fasaxa todobaadka ah balse dadka yaa ku qasbi karo tiyaatarada inee u aadaan Dabangg 3 oo sheekadiisa aad loo dhaliilay dadkii fagta hore daawadeen ayaana baahiyen in Filim ahaan waqti aan lagu lumin karin.

Wadarta guud hader waxuu maraa 134.25 Crore waxuuna ku istaagi doonaa 136 ilaa 137 Crore cimri ahaantiisa isagoo tiyaatarada sii saarnaan doono ilaa 10 Janaayo sido kale waxba lagama faaidin seddexda luuqad ee koonfur ahed oo mashruucan lagu turjumay.

5 Crore kayar ayaa laga helay luuqadaha kale ee looga daawaday D3 gudaha India waana kala bar lacagtii WAR laga helay markii 3 luuqad koonfur ah lagu turjumay sida guudna Dangal iyo Padmaavat ayaa ugu sareyaan oo min 13 Crore ayee kakeenen luuqadaha koonfur markii lagu codeyay mashaariicdaas.

Ganacsiga Dabangg 3 ilaa hada uu ka sameeyay gudaha India soona daabacday Box-office-ka hoos kaga bogo:

Todobaadka kowaad:112.53 Crore

Todobaadka Labaad: 19.24 Crore

Jimco Seddexaad: 50 Lakh

Sabti Seddexaad: 75 Lakh

Axad Seddexaad: 1.25 Crore

Wadarta Guud: 134.27 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here