Dabangg 3 oo labo caqabad hor leh heysato iyo filimkaan oo aan sidii laga filaayay sadaxdiisa maalin ugu horeyso bilaabasho taariikhi ah sameyn doonin maxaa soo kordhay?

0
1087

Filimka Dabangg 3 ayaa maalinta bari tiyaatarada India loo faarujin doonaa maadaama uu yahay filimka ugu weyn sanadkaan 2019ka Bollywoodka la yimaadeen sidoo kalana uu hogaamiye kayahay Mega Star Salman Khan oo haatan ah jilaaga ugu awooda badan India.

Hadaba waxaa jiraan labo caqabadood oo filimkaan heysato taasoo hoos u dhigi karto lacagaha filimkaan laga filaayo 3diisa maalin ugu horeysp waxayna kala yihiin caqabadahaas;

1-Tikidka hormariska ee filimkaan oo in badan la daahiyay sabab la xiriirta khilaaf soo kala dhex galay Salman Khan iyo kooxda tiyaatarka leh waxayna tani sababtay in filimkaan uusan kamid noqonin aflaamta lacagaha ugu badan laga helo tikidka hormariska.

2-Mida labaadna waxay tahay sharciga Jinsiyadaha Hindiya oo dhawaan wax laga badalay waxayna arinkaas sababtay in gobolo badan rabshado ka dhacaan waana arin ilaa haatan taagan oo rabshadihii waa socdaan waana arin dhaawaceyso ganacsiga D3 sadaxdiisa maalin ugu horeyso.

Inkastoo labadaas caqabadood jiraan hadana marnaba lama saadaalin karo Box Officeka waxa ka dhici karo khaasatan markii jilaa weyn sida Salman Khan filimka hogaamiye ka yahay sidaas darteed layaab ma noqon doonto hadii filimkaan bilaabasho taariikhi ah sameeyo sidoo kalana ka gudbo dhamaan caqabadaha horyaalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here