Dabangg 3 oo tikidkiisii hormariska la bilaabay muxuuse kusoo dhamaaday khilaafkii Salman Khan iyo kooxda tiyaatarada leh?

0
985

Waxaan shalay idinla wadaagnay in khilaaf aad u xoogan uu soo dhex galay kooxaha tiyaatarada leh iyo Mega Star Salman Khan khilaafkaasoo salka ku haayay inta tiyaataro ee lasiin doono filimka Dabangg3 mudo labo isbuuc ah.

Sallu ayaa dalbaday in 5000 tiyaataro lasaaro Dabangg3 isla markaasna isbuuciisa labaad kaliya 50% tiyaatara Multiplexka laga jaro taaso badalkeeda 100% aan waxba laga taaban tiyaatarada Single Screenska ogowna isbuuca labaad ee Dabangg 3 wuxuu ku beeganyahay maalinta la saarayo filimka Good Newws oo uu Akshey hogaamiye ka yahay.

Hase yeeshee kooxda tiyaatarka ayaa dhankooda dalbadeen in ayagana filimka la tuso si ay qiimeyn ugu sameeyaan oo hadii sheekadiisa ka helaan ay dalabkiisa fulin doonaan waayo ma rabaan koox tiyaatarka leh iney la kulmaan khasaaro lamid ah midkii Race 3 iyo Bharat waxayna sidoo kale maanka ku haayaan inuusan ka fakan filimka Good Newws kaasoo mashruuc kaloo weyn ah.

Hase yeeshee Sallu ayaa arinkaas dhankiisa diiday waana arin sabab u noqotay in tikidkii horamriska ee filimkaan dib u dhaco balse xalay ayaa si rasmi ah albaabada loogu furay oo iibsigiisa la bilaabay.

Sida muuqato marba hadii tikidka horamriska iibsi lagu bilaabay waxaa dhacay heshiis balse ilaa iyo haatan lama shaacin wixii lagu heshiiyay waxayse soo bixi doonaan saacadaha soo socdo maadaama filimkaan si rasmi tiyaatarada bari loo saari doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here