Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan iyo xaaskiisa Gauri Khan ayaa si rasmi ah dowlada Hindiya gaar ahaan gurmadka deg deg ah ee la tacaalayaan caabuqa halista badan Coronavirus ku wareejiyeen dabaq afar biyaano ah oo xafiis ay ku shaqeestaan lamaanahan u ahaa.

Waxaan horey u ogeyn in SRK shirkadiisa kala duwan magaalooyinka Mumbai, Kolkata iyo Delhi ka bilaabeen inay bixiyaan mushaarkaadka maalinlaha shaqaalaha dowlada iyo kuwa iskooda isku xil qaameen ee Coronavirus-ka la dagaalamayaan haatana talaabo kale oo saameyn xoogan leh ayay qaadeen SRK iyo xaaskiisa Gauri oo siweyn loo bogaadiyay.

Madaama Hindiya dad badan oo Coronavirus-ka qabo la karantiilay waxaa buuxsameen goobaha dadka lagu karantiili lahaa madaama isbitaalada ku filneyn sidaa darteed SRK iyo xaaskiisa Gauri Khan guriga ayay iska joogaan oo shaqo ma jirto arinkaas awgeed dowlada Hindiya ayay ku wareejiyen xafiiskooda afarta dabaq ka koobnaa ee ku shaqeesan jireen si dadka Coronavirus qabaan loogu karantiilo halkaas.

SRK iyo xaaskiisa Gauri Khan ayaa baraha bulshada heestaan oo siweyn loogu bogaadinayo kaalinta muuqato oo ay haatan ka qaadanayaan xaalada adag Hindiya ka jirto madaama bandhow 21-maalmood ah bartanka loogua jiro oo isku socodkii, shaqooyinkii iyo waxbarahada laga nasanaayo oo guryaha la wada joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here