Bollywood Mr.Prefectionist Aamir Khan oo kamid ah halyeeyda shirkadan inta badan fagaaraha laguma arko waxaana loo maleya inuu yahay qof xishood badan oo aan jecleyn bulshada dhexdeeda iyo qof degen oo aan kaftan badneen.

Akhristoow jilaagan waxuu kamid yahay xidigaha ugu dhibka iyo foodada badan ee shirkadaan kujiraan waana iskumid haduu 20 jir yahay iyo haduu 50 jir yahayba si iskumid ah ayuu dadka ula kaftamaa bilawgii 90-maadkii ilaa hada.

Waxaan xusuusana Juhi Chawla iyo isaga inee kaftan iyo faro kacayaar kukala tageen oo mudo sanado ah la kala aamusnaa hadaba waxaan caawa idiin heynaa 10 sano kahor Aamir mar uu dadka hortooda ku qaawiyay jilaaga caanka ah ee R.Madhavan.

Filimka 3 Idiots dabaal dagiisa xiliga la daawaday ayaa soo dhow oo ku beegan 25 bishaan December xusuus hore ayaa dib loo milicsaday markii mashruucan la duubaayey taariikhda uu Aamir kudhigay R.Madhavan wax kale ma ahan sheekada sidan ayee udhacday.

Waxaa lagu guda jiray maalmihii u dambeyeen duubista Filimkaan, sidaan wada ognahay filimka waxaa kujiro muuqaal R.Madhavan iyo Sharmaan Joshi surwaalka iska bixinayaan xili Aamir iyo Kareena ujeedaan hadaba maalinkii u dambeysay R.Madhavan uu filimkaan duubayey jadwalkiisa Aamir ayaa qorsho udagay.

Waxuu u baaqay director-ka Filimka Rajkumar Hirani oo uu kuyiri sida tan,”waa maalintii u dambeysay ee duubista R.Madhavan jadwalkiisa waxaan jeclestay inaan Prank ka sameeyo ama ku madadaalno aan dhahno muuqaal yar ayaa lagaa duubaa oo kucelis ah kii surwaalka aad siibeysay ookale.”

Hiiraani ayaa ogolaaday waxaana R.Madhavan loo sheegay in laga duubaayo muuqaalkii uu surwaalka siibaayey iyadoo kucelis ah dadkan dhana ujeedaan asna wuu ogolaaday meeshii ayuu surwaalka kubixiyay balse miskiinka waxaa loo sheegay in muuqaalkaas hab kaftan looga duubay oo uusan Filimka kujirin.

Qosol ayaa meesha kadhacay xili R.Madhavan marka hore naxay Aamir wuu ku guuleystay qorshihiisa mana ahan markii ugu horeysay jilaagan uu sidaa ula kaftamo dadka la shaqeyaan bal hoos ka daawo muuqaalka sida R .Madhavan loo qiyaameynaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here