Home » Nolosha Jilaayaasha » Dadka Filmada Ka Faaloodaan Qiimeynta Ay Siiyeen Filmka Thugs of Hindostan Aamir Khan Jab Xoogan Ayuu La Kulmay Markaan!!

Dadka Filmada Ka Faaloodaan Qiimeynta Ay Siiyeen Filmka Thugs of Hindostan Aamir Khan Jab Xoogan Ayuu La Kulmay Markaan!!

Waxaa maalintii labaad tiyaatarada saaran mashruuca weyn ee Thugs of Hindostan kaaso ah filmka ugu qaalisan hindiya waqtigaan maadama 260 Crore lagu qarash gareeyay balse waa film laga niyad jabaayo mashruucan.

Filmka waxaa hogaamiyaal ka ah Amitabh Bachchan, Aamir Khan, Fatima Sana Shaikh iyo waliba Katrina Kaif maalintii shalay ahed ayaana tiyaatarada la saaray halka Vijay Krishna Acharya uu Director ka yahay waana nafta mashruucan bur burkiisa sabab u ah.

Waxaan horey idiin kugu sheegnay inaan idiin la wadaagi doonno aragtida daawadayaasha iyo kuwa filmada ka faaloodaan qiimeynta uu ka helay mashruucan hadii aan aragtida daawadayaasha idiin la wadaagnay markaana waa shabakadaha caanka ah iyo shaqsiyaadka aflaamta hindiga ka faaloodan qiimenta ay siiyeen TOH.

Taran Adarsh: Waa taxliiliyaha ganacsiga filmada hindiga waxuuna qiimeyn ahaan siiyay mashruucan 2/5 (2 Xidig) taasi oo kadhigan in filmkaan gabi ahantisaba xun yahay meelaha uu ka dhaliilay waxaa kamid ah isku xirka sheekada oo liidato, qeybta hore filmka oo nuxur leheen, muuqalada oo aan tayeysneen waxuuna tilmaamay in sedexda maalmod ee ugu horeysa uu ganacsi wacan sameen doono maadam Diwali lagu guda jiro.

Shabakada Koimoi: 2/5 (2 Xidig) ayeena siisay qiimeyn ahaan mashruucan Waa mid kamid ah shabakadaha ugu caansan ee ka hadlaan ganacsiga filmada iyo aqbaaradkoda  waxayna ku tilmaamtay in Thugs of Hindostan lacagta aad ku daawaneyso uu kaa qasaarinayo markaa tiyaatarka aadeyso ayadoo sheegtay in wax nuxur ah laheen iska hilmaam Race 3 iyo Veer TOH wuu ka daran yahay jabkii kudhacay labadaas film.

Shabakada Indian Express: 1/5 (1 Xidig) ayee ku qiimeysay waa layaab meel uu ku wanaagsan yahay maba jirto ayee Indian Express tiri iyadoo ka faaloneysa Thugs of Hindostan xitaa 1 xidig uma qalmo maadama uu Aamir hogaamiye ka yahay sidaas ayuu ku helay halka xidig mida kale doorka ugu xun filmka Aamir Khan ayaa qaatay uguna nuxur xun sida ay shabakadan tilmaamtay.

Shabakada DNA: 2.5/5 (2 Xidig iyo bar) ayee ku qiimeysay filmka Thugs of Hindostan shabakada DNA-ga waxayna dad weynaha u tilmaameen in aalada VFX tayeysneen sido kalena sheegtay waa kaliya u daawo Aamir Khan iyo Amitabh Bachchan oo shaashada wadaagayaan.

Shabakada PinkVill: 2.5/5 (2 Xidig iyo bar) ayee shabadaka Pinkvilla siisay filmka TOH waxay ku tilmaamtay mashruuc aan qiiro badan laheen madadaalo dhameestirana laheen waa lagu caajisaya kaliya waxa uu ku wanaagsan yahay waa muuqaalada dagaalka ah sida ay sheegtay Pinkvilla.

Shabakada NDTV: 2.5/5 (2 Xidig iyo bar) ayee siisay filmka TOH waxayna sheegtay in mashruucan isaga dhan wada Copy yahay aflaam fara badana laga Copy gareeyay muuqaaladiisa isku xirka sheekada oo xun, muuqaalada oo tayeysneen iyo Music-da oo nuxur leheen.

Shabakada Bollywoodlife: 2/5 (2 Xidig) ayee shabadkaa Bollywoodlife siisay mashruucan Thugs of Hindostan ayadoo sheegtay in isku xirka sheekada wax badan ka qaldanyahay Director Vijay Krishna Acharya dhaliil weyn ayee u jeediyeen.

Hindostan Times: 1/5 (1 Xidig) ayee Hindostan Times siisay mashruucan meel ay ka amaantayna majirto waa filmada wada Zero ah ayee sheegtay waa filmka ugu qaalisan abid Yash Raj Films maalgaliyeen, waa filmkii ugu horeyay ee abid shaashada ku wadaageen Aamir Khan iyo Amitabh Bachchan hadana niyad jabka ugu weyn laga qaadayo ayee sheegtay Hindostan Times.

Shabakadaha sare kuxusan majiraan wax soo dhaweyay filmkaan (Positive): maya majiraa  sidaa aawged waa Zero (0).

Si Dhex Dhexaad Ah Meeqa Oga Hadashay (Neutral): 3 kamid ah shabakadaha sare si dhex dhexad ayee u qiimeyeen.

Diidmo xoogan imisa ayuu kala kulmay (Negative): 6 kamid ah si toos ah ayee u diiden mashrucan.

Boqoley ahaan qiimeynta ay bixiyeen shabakadaha sare kuxusan (Avg Rating): 1.93/5

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *