Atiriishada caanka ah Deepika Padukone iyada xitaa lama cafinin oo baraha bulshada ayaa lagu Troll-gareeyay waana wax lala yaabo in Deepika iyo Kareena meel cidlo ah laga soo weeraro ayagoon shaqo kulaheen kiiska Sushant dadka kale waaba ka gartay qiil lagula doodo ayaaba la heli karaa bal kuwan maxay haleyeen.

Mowduuca Kareena saaka subaxii ayaan idiin la wadaagnay waxuuna ahaa hada kahor mar ay Sara Ali Khan kula talineysay ineysan xiriir jaceyl la yeelanin atooraha filimkeeda kowaad atoorahaas Sara filimkeeda kowaad la sameyayna waxuu noqday Sushant Singh balse waxba iskana galin shaqsiyada Sushant iyo talada Bebo.

Intaas marka laga soo tago waxaa maalmahan la arkayaa shaqsiyaad baraha bulshada ku weerareen atiriishada Deepika Padukone sababtana waxay tahay maalintii geerida Sushant lasoo sheegay Deepika waxay baraha bulshada soo dhigtay qoraal wacyi galin ah oo ay dadka oga digeyso falalka foosha xun inee ku kacaan marka Depression uu hayo ama xanuuno maskaxda jiraan.

Dad ahaa dhaheen Deepika Depression-kii hada kahor kudhacay ayee ka hadleysa oo waa qof dhibkeeda ka hadlooso balse aan ka damqaneenin dhibka Sushant waayo magaciisa kuma aysan xusin qoraalkeeda tacsina uma aysan dirin taasi ayaa cadeyn ah ayee dhaheen balse Deepika taageerayaasheeda qaaska ah ayaa sifiican u difaaceen dadkana fahamsiiyeen in Deepuu si guud u hadleysay bulshadana wacyi galineysay.

Arinka xiisaha leh ayaa ah in Deepika maalintii xigtay hadana qoraal kale wacyi galin ah soo dhigtay baraha bulshada ayadoon dhag-jalaq usiinin dadka weerareen jilayaasha Bollywoodka ayaa duleel yar loo raadinayaa dad ayaana kacsan oo Sushant xuquuqdiisa udoodeyna ku hayaan.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here