Vivek Oberoi Sawirkaan ayuu baraha bulshada soo dhigay balse waa lagu kacay: Sawirka waxuu ku dabaqay doorashada dalka hindiya codeynteeda soo idlaatay waana Aishwarya iyo 3-dii nin ay xiriirka la sameeysay oo Bollywoodka kawada tirsanaayeen.

Sawirka iyo habka Vivek uu ula jeedo micno ahaan hoos kaga bogo: Doorashada markii ay bilaw tahay misane la galaayo waxaa dhalata ama la is dhaafsadaa doodo iyo fikrado kala duwan waana wax bilaw ah sidaas oo kale xiriirkii Salman iyo Aish dood ayuu ka bilawday dood ayuuna ku dhamaaday natiijo la’aan.

Markii doorashada la galo oo la isfahmo waxaa bilaawata codeyn hadii codeyntaas qaab qaldan loo qabto waa kala guur sheekada ileen qaabkii la rabay uma dhicin sidaas si lamid ah xiriirkii Vivek iyo Aish waxuu ahaa mid saldhigtay bilawgii hore balse waxay isku fahmi waayeen habkii ay mustaqbalkooda wax iskula meel dhigi lahaayeen.

Doorashadii wey dhacday qofkii la rabayna waa la doortay oo waa la codeyay si sax ah waxaana soo baxday natiijadii rasmiga ahed iyo qofkii dalka hogaamin lahaa.

Waa sidaas oo kale xiriirka Abishek iyo Aishwarya oo natiijo rasmi ayaa kasoo baxday maadama gabar ay u heyso xidigaan sidaa aawged jaceylkooda wuu guulestay natiijaana la helay.

Vivek sawirkaan wuu ka shalaayey raali gareyn ayuuna ka bixiyay balse sida uu wax u dhigay waa sax oo sidan ayee wax walbo udhaceen xiriirada Aish la sameeysay 3-dan nin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here