Superstar Akshay Kumar baraha bulshada si joogto ah ayuu u adeegsadaa asigoo wacyi galin, mada daalo iyo fariimo muhiim ah kusoo gudbiyo mana kusii jirto xiligan adag ee Hindiya guryaha lagu jiro wuxuu marwalbo dadka la socodsiiya sida uu xaalka yahay asigoo siweyn loogu amaanay kaalintiisa bini aadinimo ee u qaatay waqtigii adkaa.

Haddaba dadka Hindiya oo idil waxay qabaan cabsi xoogan oo ku aadan roobabka Mansoon iyo dabeelaha xoogan oo ay wataan weliba cabsida wey sii korortay kadib markii la sheegay dabeesha Cyclone Nisarga Mumbai iyo magaalooyin kale waa weyn saameyn xoogan ku yeelan doonto inta roobabkan socdaan.

Akshay Kumar baaq ayuu diray wuxuuna yiri “Roobabkii aan wada sugeenay inay Mumbai ka da’aan waa imaadeen, laakiin sanadkan roobabka waxay wataan marti aan loo baahneyn Cyclone Nisarga. Haddii ay dabeeshaas idin qabsato fadlan raaca tilmaamaha aan bixinaayo iyo kuwa dowlada bixineyso. Waxaan rajeynaa inaan ka gudbi doono waqtigaan. Aan isku duceeno in qof walbo xalaad wanaagsan galo inta roobabka mahiigaanka ah socdaan.”

Dhinaca shaqada Akshay Kumar waxaa u diyaarsan filimada Sooryavanshi iyo Laxmmi Bomb oo sugayaan in xaalada caadi kusoo laabato kadibna tiyaatarada la saari doono. Sidoo kalena Superstar-kan wuxuu duubis ku waday filimka Prithviraj ka hor inta aan bandowga la galin markii xaalada caadi kusoo laabato ayuu shaqadiisa dhameestiri doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here