Waxaa maalmahaan la isla dhex maraayay in hakad la galin doono qaar kamid ah taxanayaasha Turkiga oo uu kamid yahay taxanaha Hercai isla markaasna aanan todobaadkaan lasoo bandhigi doonin.

Sababta ugu weyn ee arinkaan loo shaaciyay ayaa aheyd in taxanaha wax goos goos ah laga soo bandhigin xalqadiisa 37aad oo siweyn loo sugaayay waliba ayadoo lasii maraayo talaado halka markii hore goos gooska koowaad isla xalqada markee dhamaato lagu xijin jiray amaba maalin dib loo dhigi jiray hadey ugu badatana isniinta lama dhaafsiin jirin.

Balse in isniintii shalay goos goos lasoo bandhigin sidoo kalana maanta oo talaado ahna waxba lasoo bandhigin waxay cirka galisay warkii ahaa taxanaha waa la hakiyay inkastoo aan maanta idinla wadaagnay in gabadha taxanahaan soo saaraha ka ah wali aysan war Rasmi soo saarin.

Hadaba akhbaarta aan idiin heyno ayaa ah in goos gooskii ugu dambeyn lasoo bandhigay taasoo meesha ka saareyso in taxanaha todobaadkaan la hakin doono maadaama goos gooskii koowaad lasoo bandhigay daqiiqado kahor.

Hadaba dhacdooyinka goos gooska oo dhameystiran daqiiqad kadib halkaan nagala soco waliba waa mid xiiso leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here