Dag-dag; filimka Good Newws shahaadada lasiiyay iyo mudada uu socon doono oo shaaca laga qaaday.

0
977

Filimka Good Newws waxaa hogaamiye ka ah Super Star Akshey Kumar waxaana ku wehliyaan Kareena Kapoor, Diljit Dosanjh iyo Kiara Advani waxaana Directed ka ah Raj Mehta.

Good Newws waa filim Comedy Drama ah isla markaasna bulshada oo dhan loogu talo galay sidaas owgeed gudiga anshaxa ee filimada faafreebo waxay filimkaan siiyeen shahaado ah in filimkaan daawan karaan wixii da’da 12 sano kaweyn.

Sidoo kale filimkaan ayaa shaaca laga qaaday inuu socon doono 131 daqiiqo yacni 2 saacadood iyo 11 daqiiqo waana heer sare oo ma ahan filim aad u dheer waqti badana kaaga bixi karo.

Good Newws ayaa tiyaatarada la saari doonaa 27da bishaan oo ku began jimcaha nagu soo fool leh waxayna isku dhici doonaan filimka Dabangg 3 oo todobaadkiisa labaad gudo gali doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here