Waxaa goor dhow lasoo bandhigay goos goos xiiso leh ahna goos gooskii 2aad ee xalqada 32aad taxanaha Hercai kaasoo halkii ugu xiisaha badnaa inoo maraayo.

Goos gooskaan ayaa wuxuu gabi ahaantiisaba ku saabsanyahay Miran oo toogtaan Reyyan u wadaayo magaalada Stanbull halkaasoo uu uga sheekeynaayo taariikhda muga weyn ee magaaladaas.

Sidoo kale goos gooska ayaa waxaa lagugu tusaa Reyyantii aan naqaanay mid ka duwan taasoo toogtaan siweyn loosoo qurxiyay quruxdeeda dabiiga aheydna banaanka lasoo dhigay.

Miran ayaa Reyyan ka codsanaayo toogtaan in uu ka sugaayo caruur waliba wuxuu ku dhahaa gabar sidaada oo kale u qurux badan ayaan doonayaa inaad igu abaal mariso misna aabo u noqdo.

Riyada Miran toogtaan waa in Reyyan gabar u dhashaa kadibna uu gabadhaas la qaataa noloshii uu caruurnimadiisa seegay.

Gabi ahaanba goos gooska waa mid Romantic ah misna indhaha u roon ayadoona in mudo ah laga nasan doono buuqii iyo sawaxankii labada qoyska iyo colaadii ka dhaxeysayba waxaana lagu tusaa Miran iyo Reyyan oo Romantic ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here