Waa wax dabiici ah in taxanayaasha gadaal looga daro jilayaal si sheekada loogu kabo waxaana wada ogeyn in jilaaga Haaruun taxanaha Hercai dhawaan gadaal looga soo daray.

Sidoo kale xalqooyinkii ugu dambeeyay waxaan ku aragnay jilayaal kale oo cusub sida Nasuh oo yar jilaaga matalaayo iyo Caziiza oo yar gabadha mataleyso.

Haatana waxaa taxanaha lagu soo daray Husein Doman jilaaga la yiraahdo kaasoo matali doono doorka Hazar oo yar.

Waxaa dhawaanahanba dib loo qodaayay sirihii hore ee taxanaha sidaas owgeed marba hadii la keenay Nasuh oo yar waa qasab in Hazar oo yar asna la keeno.

Hadaba halkaan ka arag sawirka jilaaga cusub ee taxanaha lagu soo kordhiyay mase kula tahay in Hazar u egyahay??

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here