Waxaan dhawaan idinla wadaagnay warbixin Rasmi ah oo xaqiijineyso in Directedka taxanaha Hercai ee Cem Karci gabi ahaanba taxanaha isaga baxay kadib markii ay isku af garteen midaas gabadha taxanaha iska leh ee Banu Akdeniz ayadoona uu Cem Karci sababta uu taxanaha uga baxay ku sheegay daal iyo inuu nasiino u baahanyahay siina wadi karin shaqada taxanahaan.

Hadaba warar labada dhinac ka madax banaan ayaa haatan sheegaayo in sababtu ay tahay kadib isku dhac ku yimid Directed Cem Karci iyo Producer Banu Akdeniz kaasoo sababay in ugu dambeyn Cem Karci uu taxanaha isaga baxo.

Sababta khilaafka keenay ayaa ah in Cem Karci uu qaati ka istaagay habdhaqanka gabadha taxanaha qarash gareeyaha ka ah ee Banu taasoo shaqada Cem karci markasta faragalin ku samenyeysay halka Cem asna doonayay in shaqadiisa loo madax baneeyo.

Directedkaan oo taxanayaashii uu horay u sameeyay dhamaan guul ku hogaamiyay ayaa toogtaan u adkeysan waayay faragalinta Banu wuxuuna ugu dambeyn go’aansaday in taxanaha uu gabi ahaanba isaga baxo.

Sida lagu heshiiyay Cem karci ayaa taxanaha sii sameyn doono ilaa xalqada 35aad kadibna toos ayuu howsha ugu wareejin doonaa Directedka cusub kaasoo dhawaan si rasmi loo shaacin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here