DAG-DAG; Sirta ka dambeyso in aan wali tikidkii hormariska ee filimka Dabangg3 la iibinin oo la ogaaday xili Salman Khan iyo kooxaha tiyaatarka iska leh qoorta iskula jiraan.

0
1647

Waxaan subaxnimadii saakay idinla wadaagnay in tikidka hormariska ee filimka Dabangg3 dib loo dhigay ilaa caawo fiidkii ayadoon la shaacinin sababta rasmiga ee ka dambeyso dib udhigistiisa.

Hadaba shabakada Filimside ayaa idiin soo ogaatay sababta keentay in tikidka filimkaan si hordhac loo iibsan maalintii axada sidoo kalana maanta oo arbaco ahna dib loo dhigay.

Sida wararku sheegayaan qolyahay tiyaatarka iska leh ayaa Salman Khan ka dalbaday in kulan gaar ah ku casuumo isla markaasna uu filimka daawashadiisa ku casuumo balse Salman Khan ayaa arintaas ku gacan seyray.

Salman Khan wuxuu doonayaa in mudo 2 todobaad lasiiyo gabi ahaanba tiyaatarada Single Screenska sidoo kalana todobaadka labaad tiyaatarada Multiplexka 50% laga siiyo asigoo doonayo in filimka Good Newws ee Akshey hogaamiyaha ka yahay tiyaatrada ugu badan ka qaato waliba asoo todobaadkiisa labaad saaran.

Sidaas owgeed qolyaha tiyaatarada leh waxay dalbadeen in filimka Dabangg3 la tuso oo ay daawadaan hadii uu filim ahaan qanciyo ay tiyaatarada uu sheegto siin doonaan waxayna qolyaha tiyaatarada leh ka baqayaan iney ku dhacdo sidii ku dhacday filimada Bharat iyo Race 3 oo sheeko ahaan Dabangg3 liito waxayna doonayaan iney iska hubiyaan kadibna tiyaatarada uu doono siiyaan.

Balse Salman Khan gabi ahaanba midaas wuu diiday waana arinta keentay intikidka hormariska ee filimkaan dib loo dhigo dhowr jeer isla markaasna ilaa haatan la iibinin.

Ogoow labadii qeyb ee hore filimkaan waxaa maalgaliyay Salman Khan walalkiisa Arbaz Khan balse haatan waxaa sheekada kusoo biiray oo Dabang33 wax ka maalgaliyay Mega Star Salman Khan iyo shirkadiisa SKF kuwaasoo aan galangal badan laheyn.

Arinta kale jirta waxay tahay qolyaha tiyaatarada leh waxay ku tashanayaan filimka Good Newws kaasoo todobaadka dambe 27da bishaan asna tiyaatarada la saari doono sidaas owgeed ma rabaan iney Dabangg3 ku khamaaraan oo si dhaafiyaan Good Newws.

Xaalku ayaa haatan halkaas marayo wixii kusoo kordho kala soco shabakada Filimside.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here