Xiriirka kubada cagta qaarada yurub ee UEFA ayaa wadaan qorshe lagu hakinaayo tartanka Horyaalada yurub kadib saameynta lixaadka leh ee caabuqa Corona Virus.

Caabuqa Corona Virus ayaa si xowli ah ugu fidaayo qaarada yurub waxaana sare u kacday tirada dhimashada cudurkaan iyo tirada dadka uu ku dhacayba taasoo qal qal galisay amaanka guud ee caalamka waxaana haatan lagu soo waramayaa in xiriirka UEFA ay qorsheynayaan sidii loo kansali lahaa tartanka Horyaalada Yurub.

Xiriirka UEFA ayaa daraaseyn kuwado xaalada taagan waxaana qorshaha kamid ah hadii cudurkaan waxba laga qaban waayo in gabi ahaanba la kansalo tartamada Yurub waxaana qeyb ka ah tartanka Uefa Champions League.

Ilaa hada war rasmi ah lagama soo saarin balse kulamada qaar ee tartankaan ayaa shaaca laga qaaday in taageero la’aan la daawan doono waxaana kamid ah kulanka Bayern Munchen ay marti galin doonto kooxda Chelsea oo garoon albaabada u xiranyihiin lagu ciyaari doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here