DAG-DAG; Xulka qaranka Rusia oo laga ganaaxay gabi ahaanba cayaaraha kubadda cagta mudo 4 sano iyo sababtii keentay in ganaax lagu soo rogo.

0
932

Xulka qaranka Rusia ayaa waxaa lagu soo rogay ganaax soconaayo mudo 4 sano ah kaasoo ay ku seegi doonaan xitaa Koobka aduunka 2022da ka dhici doono wadanka Qatar.

Sida ay xaqiijisay World Anti-Doping Agency oo laga soo gaabiyo WADA xulka qaranka Rusia ayaa lagu soo rogay ganaax mudo 4 sano ah oo aysan kaga qeyb qaadan Karin dhamaan tartamada kubadda cagta oo ay kamid yihiin tartanka Olympicada aduunka 2020ka ka dhici doono Tokyo caasimada wadanka Japan iyo tartanka kubadda cagta koobka aduunka ee 2022da ka dhici doono dalka Qatar.

Sababta ganaaxa loogu soo rogay qaranka Rusia ayaa waxay tahay sida la sheegay in Rusia taageertay Barnaamij Drugs lagu siiyay cayaartoydooda isla markaasna ay cayaareen ayagoo daawooyin mamnuuc ah isticmaalay mudadii uu socday koobkii aduunka ee 2018da Rusia ka dhacay.

Sidoo kale waxaa la baari doonaa jirka cayaartoydii Rusia uga qeyb gashay tartankaas oo hadii ay ku cadaato laga ganaaxi doono kubadda cagta in mudo ah.

WADA ayaa sheegtay in qaranka Rusia ay heystaan mudo 21 maalmood oo ay rafcaan uga qaadan karaan ganaaxaan lagu soo rogay kadibna kiiskooda loo gudbin doono maxkamada khilaafaadka  Sportiga ee CAS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here