Qeybtii Labaad:

Taapsee Pannu ayaa ka carootay hadalka Kangana saxaafada horteeda ka tiri maadama markaan labo walaalo isugu tageen waxay tiri iyadoo hadleysa markeedana saxaafada horteeda ku weerareysa Kangana iyo walaashed,”markii hore waanka aamusay maadama aanan jecleysan inaan u jawaabo dad aan u qalmin in loo jawaabo.”

“Balse hada waxaan ugu jawaaba isla hadalkii hore uun markalena waan leeyahay Kangana waxay u baahantahay maskaxda in laga daweeyo waa qof fudud oo aan u xisaabsaneen hadalkeeda waxaan maqlay dad qaar oo leh inaan raali gelin ka bixin doono hadalkeyga midaas ma dhaceyso mana bixin doono raali galin fikirkeygan ka hadlay.”

Markuu Filimka Mission Mangal guulestay Taapsee markale ayee weerar soo qaaday maxay ka faaiday he:

Iyadoo Kangana duqeyneyso waxay tiri,”marwalba Kangana waxay dhihi jirtay haweenka waan taageeraya meel walba iyo shaqo walba maxay inoogu soo hambalyen weysay guusha aan gaarsiinay Filimka Mission Mangal oo afar haween ah doorar weyn ku lahaayen aaway hadalkeeda mise booto le ka ahed.”

Rangoli ayaa difaacday walaashed hadal karkar ahna ugu jawaabtay Kangana waxayna tiri,”Mission Mangal waxaa doorarka ugu weyn lahaayen Akshay Kumar iyo Vidya Balan waa adigan saxaafada horteeda ka qeylinaye Taapsee bal iisheeg halkeen kaa ammaana oo aad ku muteysatay door ahaan Filimkaan ileen caruurbad ka ahed meeshe.”

“Mida kale doorarkaada oodhan waxay u kala baxaan mid laga door weyn yahay iyo mid aad door ahaan ku ciyaarto hadii xitaa masuuliyada faraha lagaa saaro ma waxaan kugu ammaana shaqo xumidaada anaga yaab aragnay i ammaan oo xoog ah ayee wadaa gabadheena Taapsee ee Bollywood ahaan ku faano.”

Taapsee ayaa go’aansatay inee isaga gaabsato labadan hablood ee aan muranka lagu gaari karin waxayna baraha bulshada soo dhigtay qoraak ay rajo kaga qabto Filimka ay saxiixatay ee Saand Ki Aarth waxayna tiri.

“Waxaan filaa Filimka Saand Ki Aarth inuu noqdo Filim xiiso leh maadama halyeey badan aniga kamid ah isugu imaan doonto” Rangoli oo fursad gaad ah qoraal ama hadal Taapsee kayimid sugeysay ayaa usoo jawaabtay bil kahor ayeena ahed waxayna tiri iyadoo weerareysa.

“Waa khalad weyn inaad adeegsato ereyga “halyeey” macquul ma ahan inaad halyee noqoto hader marka ha isla bar bardhigin halyeeyda waa weyn iyo adigan caruurta ah fadlan saxaafada horteeda ka nac nacleen ee halkaan (baraha bulshada) iigu soo jawaab hadaa naag tahay marwalba saxaafada horteeda ku cararta miyaad ka baqani halkaan inaad ka hadasho.”

Ilaa hada Taapsee Pannu inee hadasho ayaa la sugayaa waana sidee u aamustay buuqan afka ahna halkaas ayuu ku damay balse Taapsee hadee markale hadasho wuu bilaawana ileen reer Ranaut iyagana wey iska aamuseen markooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here