Marka dagaalka afka la dhaho macquul ma ahan in laga guulesto atiriishada Kangana Ranaut oo walashed Rangoli Ranaut la jirto waa labo hablood laga qeyliyay qofkee weerar afka ku qaadana waa bas hadaba dagaal afka ah ay ku qaadeen Taapsee Pannu hood kaga bogo iyo waxay isku dagaaleen min bilaaw ilaa dhamaad..

Seddex bil kahor qoraalkii Twwitter-ka Taapsee Pannu soo dhigtay ayee balaayo dhan ka bilaawatay:

Taapsee ayaa qoraal kasoo Copy gareysay Ekta Kapoor kaaso ay ku ammaaneysa goos gooska Filimka Mental Hai Kya ee Kangana Ranaut atiriishada ka ahed qoraalka oo Copy ahaa hadana ammaanteda marnaba ma aysan magacaawin magaca Kangana ee dhamaan kooxda ayee wada ammaantay.

Rangoli ayaa midaas u dulqaadan weysay waxayna tiri iyadoo Channel-keda weerar kaga qaaday Taapsee Pannu,”dadkaan xaqiraad badana bal arka tii u dambeysay ee Taapsee Pannu la dhahaayey qoraal xatooyo ay Copy kusoo dhahday ayee goos gooska Filimka ku ammaane hadana ma magacaabin Kangana ma ilowday Taapsee markaa lahed Kangana waxay u baahantahay maskaxda in laga daweeyo hader adaa u baahan inaad joojiso qoraalka xatooyada aad Copy soo dhaheyso .”

Marka weerarkaas uu dhacay waa 3 July 2019 laakiin sheeka ka horeysay oo Rangoli ka carootay maadama mar Taapsee wareysi ku sheegtay in Kangana tahay qof muran badan una baahantahay in lasoo daweeyo oo waxay sheegtay in maskaxda caadi ka ahen macquulna ahen in haweeyney sidaa u muran badnaato waana hadal meel loogi qoray xidigtaan fursad basna lagu gaadaayey oraahda Rangoli wey ka gaabsatay Taapsee inee ka jawaab celiso iyo inee weerarkaas mid lamid ah qaado.

Kangana oo wareysi bixisay bil kadib weerarkii Rangoli ayaa sheekada sii hurisay kadib markii ay sheegtay in walaashed ku saxantahay weerarka ay ku qaaday Taapsee Pannu waxayna tiri,”Aniga ma ahi qof u hadlaayo Rangoli mida kale zaq ayee u leedahay wixii fikirkeeda ah inee ka hadasho dabcan qoraalada ay baraha bulshada soo dhigto waa Pages ama aalado iyada ay leedahay baro bulsho dadow waxba kuma aysan soo xariiqin ee waxeeda ayee wax kusoo qoratay.”

“Mida kale wax dhiba maleh hadii qof gaar ah lala kaftamo hadiise qof weerar afka ah kuguso qaaday aad u jawaabeyso ayadana waa waajib kusaaran inaad u jawaabto qofkii qoraalada Rangoli dhibsaday yuusan akhrisan haka gudbo qofkii ka kar karayna hade waa qofkii loogu talo galay qoraalkaas.”

Taapsee Pannu ayaa xanaaqday markee maqashay oraahda Kangana ileen markii hore wey iska gaabsatay markii Kangana walaashed Rangoli weerar kusoo qaaday hadaba la soco qeybta labaad hubka Taapsee Pannu soo rideyso iyo sida ay u xanaaqi doonan gabdhaha walaalaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here