Atooraha marka hore dardarka kusoo galay Bollywoodka kaaso la islahaa xidig weyn iyo awood weyn ayuu la imaana balse markii dambe daadka qaaday ee Kumar Gaurav aya hada kahor dagaal la galay atariishada caanka ah ee xidig weyn noqotay Mandakini.

Kumar waxaa dhalay halyeey Bollywood Rajendra Kumar kaaso awood kulaha Bollywoodka maqaam weyna ka gaaray fanka, Kumar wuxuu kusoo caan baxay filimkii Love Story kaaso  soo baxay sanadkii 1981, kadib daawashada filimkaas Kumar wuxuu noqday xidig kaaso laga filaayey guulo kale oo waaweyn.

hadaba Kumar filimkas markuu usoo baxay wuxuu goaansaday in uusan filim la sameynin atariishoyin cusub balse uun raadiyo kuwa uu isaga la jilay iyo kuwa maqaamka sare ka joogay Bollywoodka xiliigaas.

waxaa dhacday Producer Dinesh Bansal inuu gabar cusub oo fanka kucusub in uu filim lasaxiixdo gabadhaaso ah Yasmin hadaba filimkii ayuu sido kale u bandhigay Kumar Gaurav balse markuu Kumar ogaaday in gabadha cusub tahay wuu ka diiday.

intaa kadib Dinesh iyo Yasmin oo wada jira ayaa Kumar u yimaaden ayagoo isku dayaaya inee kadhaadhiciyaan arinkaas balse wuu ku gacan seeray asigoo diiday filimkaas inuu jilo gabi ahaanba sheegayna in uusan dooneyn inuu filim lasameeyo atariisho fanka kucusub.

hadaba gabadhii rajada fanka ka qabtay ee Yasmin ayadoo kaniyajabtay diidmadi Kumar ayee xaafadeeda isaga laabatay, waxaa kasoo wareegatay arinkaas mudo 4 sano ah 4 sano kadib ayee gabadhii Yasmin aheyd waxay ogaatay in Raj Kapoor sameynaayo filim cusub doonayana gabar cusub in uu kusoo caan bixiyo, hadaba Yasmin horey ayee ka aaday xagii Raj ayadoo dooneysa fursadaas inee qaadato.

intaa kadib Raj filimkiisa Ram Teri Ganga Maili wuxuu atariisho oga dhigay Yasmin waliba sigoo magaceeda Yasmin Joseph  kabadelay una bixiyay Mandakini, intaa kadib xidigtaan waxaa loo yaqaanay magaca Mandakini ee uu Raj Kapoor u bixiyay.

filimka Ram Teri Ganga Maili wuxuu noqday mid Hit weyn ah Mandakini na xidig weyn kadhigay, markaan atariisho laga daba dhacay aye noqotay, intaa kadib Kumar asiga xiligaas calankiisa ayaaba siidhacaayey xata waxaa lashegay in atariishoyinka waaweyn aysan jecleen in xidigaan aan awooda lahen ay lashaqeyaan.

Kumar wuxuu ku fikiray in uu filim lasameeyo Mandakini oo xidig weyn ah asigoo Producerka lahadlay markii uu Producerka u bandhigay filimkii Mandakini waxay ogaatay in filimkaan atoore ka yahay Kumar Gaurav waxayna dib u xasuusatay xanuunkii 4 sano kahor uu kudhigay wayna iska diiday filimkaas markeeda.

intaa kadib waligeed ma dhicin Mandakini iyo Kumar oo filim kasoo wada muuqday sideey xiligaas isku dagaalen ayee unbee kukala tageen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here