Dagaal Waa Dhamaaday Marba Brad Pitt Haduu Caruurtisa Kula Kulmi Karo Angelina Jolie Horteeda!!

Lamaanaha caanka ah Brad Pitt Iyo Angelina Jolie waxay is guursadeen sanadkii 2014 ayadoo xiriirkooda uu soo bilawday sanadkii 2005 mudadaas dheerna soo jireenka ahaa.

Lamaanahan Brangelina waxaa ka dhaxeyso 6 caruur ah oo ay qoys ahaan heesteen sedex kamid ahna waxaa la sheegaa in ay yihiin kuwa ay soo korsadeen sido kalena kasoo wateen xeryaha agoomaha.

Lamaanahan mudada dheer aqoonta isku lahaa xiriirkana ka dhaxeyay ugu dambeyna is guursadeen waxay nolosha isku firaaqeyeen sanadkii 2016 ayado ay goaansadeen in ay kala fogaadan waliba Angelina waxay goaansatay in Pitt xitaa caruurta uusan soo booqanin kana fogaado noloshooda.

Maxkamada ayaa 12 June sanadkaan 2018 ku dhawaaqday in Brad fasax u heesto xiligii uu doono inuu soo  booqdo caruurtisa ayadana aysan xaq ulaheen midaas haatana jilaagan waxuu soo booqdaa caruurtiisa si xor ah kamana hor istaagi doonto jolie wararka xanta ahna waxay sheegayan in ay macquul tahay inee dib u heshiyaan lamaanahan…