Bishii Janaayo qeybaheeda dambe waxaa abaal marinta Padma Shri la gudoonsiiyay xidigaha kala ah Karan Johar, Kangana Ranaut iyo Ekta Kapoor dowlada India ayaana gudoonsiisay biladan oo ah mida afaraad ugu darajada sareysa misane muwaadin Indian ah la siiyo wax qabadkooda wacnaa sanadihii dambe aawgii ayeena ku qaateen.

Hadaba marwalba oo meel ay isugu imaadaan Karan iyo Kangana hadal heyn ayaa dhalata maadama xidigahan is neceb yihiin midba midka kale balse xafladan inta la joogay qudbadihii ay jeediyeen labadoodaba midba midka kale wuu ku ammaanay shaqadiisa.

Karan dhankiisa waxuu yiri isagoo ka hadlaayo ka shaqeynta Kangana,”waan jeclaan lahaa Kangana inaan la shaqeyo misane Filime atiriisho katahay aan Director ka noqdo balse maxaan sameyaa Filim Kangana u qalmo wali mahelin hadasn heli lahaa deg deg ayaa Mobile-ka kaga wici lahaa si toos ah.”

Maalintii xigtay Kangana walaashed Rangoli ayaa baraha bulshada ku weerartay Karan Johar waxayna tiri,”markii ugu dambeysay Kangana ay daawato Filim Karan Johar leeyahay waxuu ahaa Ae Dil Hai Mushkil weyna laba labootay aad ayee udhibsatay foolxumada sheekada Filimka ka muuqatay.”

Karan Johar tries to bury the hatchet with Kangana Ranaut, Rangoli Chandel says, 'Please stay away from her'

“Mr.Karan waxaad ahed mise hade waxaad tahay, waxaad ahed Filimsameye aan ku faanno balse hader sheekooyinka aad sameyso dhaxal uma noqon karaan fanka Hindiya fadlan Kangana ka fogow intaa sheekooyinka noocaas sameyneyso waxba Filim ha udhiiban mana kuu sameyneyso ee caruurta kuso caan bixineyso kusoo caan bixi sheekooyinkaas qaabka daran.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here