Waxaa shalay si rasmi ah loo soo bandhigay goos gooska filimka weyn ee Darbar kaaso ah mashruuc koonfur balse luuqado kala duwan lagu daawan doono waxaana hogaamiye ka ah Superstar Rajnikanth.

Goos gooska waxaan ku arkeynaa Superstar Rajnikanth oo kujilaayp doorka Aaditya Arunasalam waana taliyaha ciidanka Police-ka ee magaalada Mumbai balse waa nin qalafsan oo dabeecad kulul waxuu sameeyay sida uu asiga jecel yahay xeer walba iyo sharci walba wuu katalaabsadaa.

Ujeedkiisa waa inuj magaalada ka sifeeyo tuugada oodhan balse wado qaldan ayuu umaraa nin burcad oo Mafia ookale ah ayuu ula dhaqmaa Gangster-da magaalada kunool oodhan cadowgiisa ugu weyn waa Suniel Shetty oo Filimka kaabo laadirka ugu weyn kujilaayo.

Nayanthara ayaa atiriisho ka ah kuna jileyso gabadha uu jeestoole jecel yahay, xaragada Rajni iyo muuqaalka uu kusoo galaayo ama goos gooska ku bilaawanaayo inaba caadi ma ahan.

Sido kale oraahda uu ku hadlaayo waa kuwa kusoo jiidan doonaan iyo muuqaalada jaceylka uu Nayanthara la wadaagayo waxaa kaloo xiiso leh muuqaalka shidan ee Anna of Bollywoof Aka Suniel Shetty lasoo baxay iyo sida uu doorkiisa xumaanta kaga soo dhalaalay inaba caadi ma ahan.

Dagaal weyn ayaa dhexmari doono Rajni iyo Suniel waana muuqaalka dhamaadka Filimkaan oo qof walba tiyaatarka u aadi doono si uu usoo ogaado qofka shafka laga garaaci doono ileen Suniel waa jilaa ay adagtahay sida looga guuleysto.

Darbar oo filim action ah reer Tamil-na leeyihiin waxaa la daawan doonaa Janaayo 2020 waxayna isku dhici doonaan Ajau Devgn Filimkiisa Tanhaji oo isla xiligaas la daawan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here