DAGAALKII BEDER; DAGAALKII UGU HOREEYAY EE KALA SAARAY XAQQA IYO BAADILKA. Qeybtii 2aad.

0
584

Wxaan qeybtii hore kaga soo hadalnay sababihii keenay duulaankii Beder iyo warbixin u badneyd hordhac.

AWOODII CIIDAN EE MUSLIMIINTA IYO SIDII HOGAANKA LOO KALA HAAYAY.

Nabiga scw iyo ciidanka muslimiinta ayaa is diyaariyeen waxayna ahaayeen 314 dagaal yahan iyagoona sii kala ahaa;
83 Muhaajiriin.
61 Ansaar jufada Ows.
170 Ansaar jufada Khazraj.

Ciidanka ma aysan isku diyaarin si weyn waxayna wateen kaliya labo faras oo ay kala saarnaayeen Zubeer bin Cawaan iyo Miqdaad bin Al-Aswad Al-Kindi, sidoo kale waxay wateen 70 rati oo sadaxdii qofba hal rati ayay isku bad badalaayeen.
Nabiga scw Cali bin Abii Dhaalib iyo Murthad bin abii Murthad Al-Qinawi hal Rati ayay isku bad badalaayeen.

Nabiga scw markuu madiina kasoo baxayay wuxuu magaalada masuuliyadeeda iyo tujinta dadka uga soo tagay Cabdullaahi bin Ummu Maktuum, hase yeeshee markuu maraayay meesha la yiraahdo Al-Rowxaa wuxuu dib u celiyay masuuliyadana ku wareejiyay Abaa Labaabah bin Cabdul-Mundir.

Calanka Muslimiinta wuxuu ahaa mid cad waxaana hayay oo uu Nabiga scw u dhiibay Muscab bin Cumeyr Al-Cabdari, wuxuuna ciidanka u kala qeybiyay Nabiga scw labo cutub;
1-Cutubka Muhaajiriinta waxaana calanka u siday Cali bin Abii Dhaalib.
2-Cutubka Ansaarta waxaana calanka u siday Sacad bin Mucaad.

Ciidanka qeybta Midig waxaa hogaanka u haayay Zubeer bin Cawaan, qeybta bidixna waxaa u talinayay Miqdaad bin bin Camrin waxayna ahaayeen sidaan soo sheegnayba labada nin ee kaliya fardaha watay.
Hogaanka sarana iyo taliska guudna nabiga scw gacantiisa ayuu ku jiray.

CIIDANKII ISLAAMKA OO U DHAQAAQAY DHANKAAS IYO BEDER;

Nabiga scw iyo saxaabada sidaas ayay Madiino kaga soo baxeen waxayna ahaayeen kuwa aanan dagaal culus u diyaarsaneen.

Markii ay marayeen meesha la yiraahdo Al-Safraa wuxuu nabiga scw diray Basiis bin Camar al-Juhani iyo Caddi bin abii Zagbaa Al-Juhani si ay Beder u tagaan sirdoon ahaana wararka safarkii qureysheeda meesha uga keenaan.

Dhanka kale safarkii qureysheed waxaa masuul ka ahaa oo hogaaminayay Abuu Sufyaan bin Xarbi wuxuuna ahaa nin aragti fog leh sidoo kalana aad u feejigan asigoona ogaa in jidka Madiina mara ee Makka aada uu yahay mid halis badan isla markaasna waqti kasta jidka loo gali karo.

Abuu Sufyaan wuxuu ahaa mid dadka wareysta oo safareey kastoo kahor timaada wuu wareysanayay ilaa ugu dambeyn ay sirdoonkiisa usoo gudbiyeen in Muxamed scw uu asxaabtiisa soo watay si safarka u qafaashaan.

Abuu Sufyaan bin Xarbi markii uu warkaas soo gaaray ayuu wuxuu kireystay ninka la yiraahdo Dam-dam bin Camrin Al-Qiffaari si uu Qureysh iyo Makka u tago uguna sheego in Safarkoodii jidka loo galay isla markaasna uga soo gaaraan.

XAALAKA MAGAALADA MAKKA KAHOR INTA AYSAN QEYLO DHAANTA SOO GAARIN.

Nabiga scw eedadiisa Caatika bintu Cabdul-Mudalib ayaa waxay ku riyootay in magaalada Makka uu soo galay nin wato Owr isla markaasna qureysh u qeylo dhaaminaayo asigoona leh “yaa aala Gadri (kuwii balanta furoow) usoo baxa dhimashiina” kadibna ninkii wuxuu gowracay owrkiisii asigoona owrkii raftay mana jiro guri magaalada Makko ku yaalo oo uusan dhiigiisa gaarin.

Riyadaas oo ay Nabiga scw eedadiisa aragtay waxay u sheegtay walaalkeeda Al-cabaas bin Cabdul-Mudalib wuxuuna ku dhahay waa riyo weyn ee qari qofna ha u sheegin, balse AL-Cabbaas riyadii wuxuu u sheegay Waliid bin Cutbah kuna qarsaday.

Hase yeeshee Waliid wuxuu u sheegay aabihiisa Cutbah bin Rabiicah iyadoo riyadiina ay faaftay ilaa ay gaartay Abuu Jahal, markaas ayuu abuu Jahal ku yiri Cabbaas; “Reer banii Cabul-mudalibow maku qanci weyseen in nimankiina nabinimo sheegtaan heer naagihiinana nabinimo sheeganayaan? Waxaan sugi doonaan sadax maalmood hadii ay waxba dhici waayaan waxaan idinka qoreynaa inaad tihiin carab kuwooda ugu beenta badnaa”

Maalintii sadaxaad markii la gaaray waxaa magaalada asigoo oradaya dharkana iska jeexay owrkiisana wata soo galay Dam-dam bin Camrin alqiffaari oo uu Abuu Sufyaan soo diray asigoona leh; Qureysheey waa dharbaaxooy waa dharbaaxooy, hantidiinii Abuu Sufyaan waday waxaa is hortaagay Muxamed oo asxaabtiisa wata umaleyn maayo inaad ka gaari doontaan war hubka war hubka booba”.

La soco qeybta sadaxaad.

Share dheh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here