DAGAALKII BEDER; DUULAANKII UGU HOREEYAY EE KALA SAARAY XAQQA IYO BAADILKA. Qeybtii 6aad.

0
681

TALISKII CIIDANKA ISLAAMKA IYO TALADII SACAD BIN MUCAAD,

Kadib markii uu Nabiga scw yeelay taladii Al-Xabaab Bin Al-Mundir ceelashiina aasay ayaa waxaa u yimid Sacad Bin Mucaad, wuxuuna soo jeediyay in Nabiga scw Muslimiinta u dhisaan waab uu ciidanka uga taliyo misna noqoto xarunta taliska ciidanka wuxuuna ku yiri; “Nabi Allow sooma wanaagsan inaan kuu dhisnp cariish aad ku sugnaatid (mudada dagaalka socdo) oona kuugu diyaarino rakaabkaaga (hashaada) kadibna aan wajahno cadowga, hadii Allaah na cizeeyo guulna naga siiyo cadowga waa sidaan rabnay hadiise ay waxkale dhacaan inta rakaabkaaga fuushid aad madiino ku laabatid oo qowmkii (islaamka) u tagtid, waayo waxaa ku haray meeshaas nabi Allow qowm jaceylkaan kuu qabno mid lamid ah kuu qabaan, oo hadii ay ogaan lahaayeen inaad dagaal la kulmi doontid aanan marnaba kaa hareyn kulana jihaadayo”.

Markaas ayuu Nabiga scw amaanay Sacad bin Mucaad kheyrna ugu duceeyay, kadibna muslimiinta ayaa cariishkii dhisay ayagoona ka dhisay meel taag ah kaasoo goobta dagaalka ka dhacaayay ka jirtay waqooyi bari waana meel saaxada dagaalka toos looga maamuli karayt.

Sidoo kale waxaa la magacaabay koox dhalinyaro ahaa oo uu hogaaminaayo Sacad bin Mucaad shaqadoodana waxay aheyd iney ilaaliyaan xaruunta taliska islaamka iyo Nabiga scw.

DIYAAR GAROWGII CIIDANKA MUSLIMIINTA IYO SIDII AY HABEENKAAS KU BARYEEN.

Kadib nabiga scw ayaa ciidankiisii diyaariyay wuxuuna gudo galay inuu ku socdo goobtii dagaalka ka dhici lahaa,wuxuuna nabiga scw fartiisa ku fiiqayay goob asigoona lahaa halkaan waa halkii bari lagu dili lahaa hebel hebel Insha,allah, halkaana waa halkii bari lagu dili lahaa hebel hebel.

Kadibna muslimiintii ayaa habeenkaas jawi dagan ku baryay waxaana habeenkaas yimid roob kaasoo dhulka nabay arladana qooyay waxayna habeenkaas aheyd habeen Jimce ah 17dii bishii Ramadaan sanadkii 2aad ee Hijriga wuxuuna Nabiga scw Madiina kasoo baxay 8dii ama 12dii bishii Ramadaan isla sanadkaas .

CIIDANKII MAKKA OO SHAQAAQO SOO KALA DHEX GASHAY IYO XAALADA AY KU BARYEEN.

Qureysh habeenkaas waxay baryeen daanta shishe ayagoo halkaasn xaruuntooda ka dhigteen, balse markii waaga baryay ayay usoo ruqaansadeen dhanka toga Beder, waxaana dhacday in koox iyaga kamid ah ay isku dayeen in xoog uga cabaan barkadii muslimiinta sameysteen ee biyaha ku jireen maadaama iyaga Biyo la’aan ahaayeen oo ceelashii Beder Muslimiinta duugeen.

Markii ay isku dayeen in biyaha muslimiinta cabaan ayuu nabiga scw yiri; “dhaafa ha cabeene” mana jiro qof barkadaas biyo ka cabay maalintaas oo badbaaday markii laga reebo Xakiim Bin Xizaam Allaha ka raali noqdee oo gadaal dambe kasoo islaamay waxaana la sheegay markii uu dhaarta adkeynaayo uu dhihi jiri; Allaha nafteyda maalintii Beder badbaadiyay baan ku dhaartee.

QUREYSH OO CUMERY BIN WAHAB SOO DIRSATAY SI AWOODA MUSLIMIINTA HEERKEY LA EGTAHAY USOO OGAADO.

Habeenkaas qureysh waxay soo direen Cumeyr Bin Wahab oo waqtigaas gaal ahaa wuxuuna la jiray mushrikiinta. Waxaa dhacday in Cumeyr uu kusoo gaaf wareegay xaruuntii muslimiinta wuxuuna dib ugu laabtay Qureysh asigoona ku yiri; waa 300 oo nin waxyar ayaa la jiraan ama waxyar ayaa ka dhiman ee isuga aan markale soo kormeeree si aan usoo hubiyo hadii colka gurmad leeyahay ama koox gabaad ah.

Kadib Cumeyr xaruuntii Muslimiinta ayuu markale kusoo gaaf wareegay balse toogtaan si qoto dheer ayuu usoo kormeeray bal hadii gabaad ama gurmad jiraan waxse sooma arkin wuxuuna kusoo laabtay xaruuntii Qureysheed wuxuuna ku yiri; Waxba masoo arki, balse waxaan soo arkay kulankii qureysheedeey balaayo geeri xambaarsan, qoom aanan wadan gabaad iyo gaashaan midna aan ka aheyn seefahooda, wlhi baanan arag in la dili karo mid iyaga kamid asigoon naga dilin mid anaga naga mid ah, ee hadii tiradooda in la eg naga dilaan maxay nolosha kheyr leedahay? Warhooy talada dib ugu laabta”

LA SOCO QEYBTA 7AAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here