Kal Ho Na Ho waa mid kamid ah Filimada Bollywood ugu wanaagsan abid mashruucan tayo ahaan, heesaha, qiirada iyo habka jilayaasha u sameyeen inaba caadi ma ahan waa Filim aan laga xiiso dhaceyn.

darajadiisana waa HIT waxaa hogaamiyaal ka ahaayen Shah Rukh Khan, Preity Zinta iyo Saif Ali Khan.

Karan Johar ayaa qarash gareeye ka ahaa hadaba hoos kaga bogo xaqiiqooyin aan idiin kaga soo diyaarinay Filimkaan xiisaha leh.

Xaqiiqada 1-aad: Karan Johar atiriishooyinka uu saaxiibada dhow la ahaa aadna isugu fiicnaayen waxaa kamid ahed Kareena Kapoor sidaa aawged Kal Ho Na Ho ayuu bandhigay si ay atiriisho kowaad kaga noqoto laakiin Kareena ayaa Karan ka dalbatay mushaar waali ah waana mid kabaxsan mushaarka ay xiligaas Filimada ku sameyn jirtay.

Karan ayaa Kareena u sheegay inuusan awoodi mushaarka ay dalbatay balse mid macquul ah uu siin doono weyna ka diiday xidigtaan iyadoo go’aankeeda ku adkeysatay kadibna Preity Zinta ayuu si fudud ula heshiyay una sameeysay Kal Ho Na Ho.

Xaqiiqada 2-aad: Salman Khan ayaa loo bandhigay doorka Saif Ali Khan si uu SRK ula sameeyo mashruucan laakiin Salman iyo Shahrukh xifaaltan ayaa waligood ka dhaxeyn jiray waxuuna Sallu usheegay Karan Johar inuu ka aqbali lahaa doorkaas haduu SRK kujiri laheen balse marba haduu SRK.hogaamiyaha yahay aniga caawiye ma noqonaayo ayuu dhahay.

Xaqiiqada 3-aad: Hadana Abhishek Bachchan iyo Vivek Oberoi ayaa loo bandhigay doorka Saif Ali Khan inee sameyaan iyagiina wey iska diideen ugu dambeyn Saif ayaa calaf u yeeshtay doorkaas xiisaha leh.

Xaqiiqada 4-aad: Bilawga Filimka waxaa lagu tusaa Preity Zinta oo ordeysa xili subaxnimo ah iyadoo aalamiiteyneyso balse dhab ahaan qoftaas Preity ma ahan waa qof loo ekeysiiyay sababto ah Preitu xiligaas wey dhaawacned weyna xanuunsaned muuqaalkaasna wey sameyn weysay qofkale ayaa lala heshiiyay si muuqaalkas orodka ah u sameyso.

Xaqiiqada 5-aad: Preity filimkaan waxay ku qaadatay abaal marinta Filimfare qeybta atiriishada ugu wanaagsan waxaana lagu siiyay sida cajiibka ah ee ay ujishau doorkeeda Naina.

Xaqiiqada 6-aad: Kajol iyo Rani Mukerji ayaa muuqaalo marti ah kuleh si qaas ah heeska “Mahi Ve” ayee kasoo muuqanayaan waxaana xusid mudan atiriishooyinkan ilmo adeerta ah in Karan Johar Filimadiisa oodhan kasoo muuqdeen xitaa SRK Filimadiisa kale qaar badan ayee kasoo muuqdeen ilaa Zero.

Xaqiiqada 7-aad: Saif Ali Khan iyo Jaya Bachchan waxaa la gudoonsiiyay abaal marinada kala ah atoore caawiye iyo atiriisho caawiso kuwii ugu wanaagsanaayeen sanadkaas ee Filimfare.

Xaqiiqada 8-aad: Qofka baaskiilka ama bushkuleetiga wato ee dhahaayo “waa maalintii 6-aad” cidkale ma ahan waa atooraha Uday Chopra oo muuqaal marti kuleh mashruucan.

Xaqiiqada 9-aad: Atooraha Arjun Kapoor ayaa Director caawiye ka ah Filimkaan waxuuna si adag ula shaqeeyay Director-ka Filimkaan ee Nikhil Advani.

Xaqiiqada 10-aad: Album-ka heesahan si weyn ayee u gadmeen waxaana ku fara yarestay Sonu Nigham heeskiisa Kal Ho Na Ho ilaa maanta lama ilaawin.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here